“Wasiirka Arrimaha Dibadu Wuu Ku Fashilmay Xilkii Qaranku U Igmadday, Isaga Oo Ka Hawl-geli Lahaa Arrimaha Xuduudha Xidhan” Warsaxafadeed Xisbiga UCID  

Hargeysa (Berbera news) Warsaxafadeed uu soo-saaray Xoghayaha Arimaha Gudaha iyo Xidhiidhka Gobalada Abdiqani Ibrahim Salaf (kaptanka) uu Arimahaasi Kaaga Hadlayo
 
”Waxa uu xisbiga Ucid ka warwarsanyahay xaalada xuduudaha dalka ee xidhan iyo dadka soo galootiga ah ee kasoo burqanaya dhinaca xuduudka Ethiopia aan la wadaagno, waxaa si is daba jooga uga soo gudbaaya dad soo galooti ah oo u badan kuwa ka dawarsada jidadka magaalooyinka wadanka,
 
Iyadoo aynu wada ognahay in xuduudkii Somaliland la wadaagaysay dalalka Djibouti iyo Ethiopia ay xidhanyihiin iyadoo waliba wadankiina aad moodo inuu kasoo faydmayo dhinac walba waxaa inta dheer in Djibouti ku andacoonayso in Somaliland lawyo cado ka baxdo oo arintaas ay ku war galisay wasiirka arimaha gudaha Somaliland Cali Warancade sida ay qortay joornaalka Waaheen maanta oo bishu tahay 05/07/2014,
 
Xuduudkan Somaliland la wadaagto dalalka jaarka ah ee xidhan xukuumada Somaliland way dhayal satay waxaana uu sheegay wasiirka arimaha dibada Maxamed Biixi Yoonis maruu saxaafada lahadlaayay in xuduudka xidhan uu dan uyahay shacabka reer Somaliland isagoo ku doodayay xaga nabad gelyada taasina wa nasiib daro wayn in  wasiirkii dhama sida u hadlo isagoo ku fashilmay xilkii qaranku u igmaday ayna tahay shaqadiisa kii ka hawl gali laha arimahan xuduudka xidhan,
 
Dadka  soogalootiga ah ee wadanka soo galaya hada waxay u badan yihin dadkii bukay ee xanuunada waawayn ee halista ah qabay ee kaga dawarsan jiray magaalooyinka waawayn ee Ethiopia oo maanta wadankeenii soo buux dhaafiyey isla markaasna dadkeena halis ku ah inay qaadsiiyaan xanuunadan,
 
Waxa aanu ugu baaqaynaa xukuumada iyo wasaaradaha ay arintani sida tooska ah u qusayso sida arimaha gudaha iyo caafimaadkaba in si deg daga wax looga qabto arintan halista ku ah dadkeena iyo dalkeenaba gaar ahaan bishan barakaysan culays ay ku hayaan dadkii muwaadiniinta ahaa oo meel waba buux dhaafiyeen sida ugu dhaqsaha badan wax uga qabtaan oo xadka laga xidho kuwa faraha badan ee wali soo socda wadanka laga horjoogsado masuuliyadna la iska saaro arintan si dadka looga badbaadiyo dadkan xanuunka ku dawarsanaya.
 
Allaa Mahad leh
 
Xoghayaha Arimaha Gudaha iyo Xidhiidhka Gobalada
 
Abdiqani Ibrahim Salaf (kaptanka)