Badhasaabka Gobolka Sanaag oo Madaxweynaha ku Hambalyeeyay Magacaabista Gobolka Cusub ee Xaysimo

Sanaag-(Berberanews)-Badhasaabka Gobolka Sanaag Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa ku hambalyeeyay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Silaanyo Magacaabista gobolka Cusub ee Xaysnimo oo xaruntiisu tahay magaalada Taleex oo dhawaan ay gacanta ku dhigeen ciidammada qaranka Somaliland.

 Ramaax

“Waxaan Madaxweynaha ku hambalyeynayaa magacaabista Gobolka cusub ee Xaysimo, waa tallaabo maamul daadejin ah oo u suurtagelinaysa Gobollada Bari in horumarku gaadho oo la jaan-qaadaan gobollada kale ee Somaliland.

Mudane, Madaxweyne waa go’aan lagu diirsado oo shacabka Gobolkaasina abaal kuugu hayn doonaan.” Sidaa waxa war-murtiyeed kooban nagu soo gaadhsiiyay Badhasaabka Gobolka Sanaag Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax).

 

Berberanews.com

Info@berberanews.com