Kenya Oo Xaqiijisay In 29 Ay Ku Geeriyooddeen Qarax Lala Beegsadday Deegaano Ka Tirsan Xeebaha Dalkoodda

Nairobi (Berbera news) Xukuumadda dalka Kenya ayaa sheegtay in 29-qof ay ku dhinteen weerarradii xalay ka dhacay deegaanno ku yaalla xeebta Kenya ayna tiro intaas ka badan ku dhaawacmeen.
 
Weerarradan is-xigay oo ka dhacay deegaannada Gamba iyo deegaan ganacsi oo Hindidu leeyihiin oo ku dhow magaalada Mpeketoni oo bishii hore ay ka dhaceen weerarro ay mas’uuliyadooda sheegatay Al-shabaab, kuwaasoo ay ku dhinteen 63-qof.
 
“Labadii weerar ee xalay dhacay waxay ahaayeen kuwo isla socday, waxaana lagu dilay dad shacab ah iyadoo sidoo kalena lagu gubay gaadiid dhismayaalna lagu bur-buriyay,” sidaa waxaa warbaahinta u sheegay Robert Kitur oo ah sarkaal sare oo ka tirsan booliiska jasiiradda Lamu.
 
Saraakiisha booliiska degmada Gamba ayaa sheegay in kooxo hubeysan ay weerar kusoo qaadeen saldhigga booliiska degmadaas, kuwaasoo doonayay inay xabsigaas kala baxaan ruux loo haystay inuu ka dambeeyay weerarkii Mpeketoni ka dhacay bishii hore.
 
Taliyaha booliiska Kenya, David Kimaio ayaa sheegay in weerarkii Gamba lagu dilay 18-qof, halka weerarkii lagu qaaday deegaanka ganacsiga Hindida ee Lamu ay isna ku dhinteen sagaal qof, weerarraduna ay ahaayeen kuwo wada socday.
 
Wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya Joseph Ole Lenku oo isaguna saxaafadda dalka Kenya la hadlay ayaa sheegay in tirada guud ee dhimashada ay marayso 29-qof, sidoo kalena ay jiraan dhaawacyo fara badan oo la dhigay isbitaallada deegaannada ay weerarradu ka dhaceen.
Al-shabaab ayaa sheegatay weerarrada, iyadoo afhayeenkooda dhinaca howgallada uu sheegay inay tiro dad ah ku dileen weerarradan, welina lama sheegin halka ay u baxsadeen kooxihii weerarradaas geystay iyo khasaare la gaarsiiyay.
 
 

 
Berbera news/Hargeysa