Maareeyaha TV-ga Qaranka Iyo La Taliyaha Madaxweyhaha Ee Hay’addaaha Oo Ka Soo Xaadiray Munaasibadd Lagaga Dhawaaqayay Ururka Dhalinyaradda Subeer Awal

Hargeysa (Berbera news) Khadar Cali Gaas oo ah Maareeyaha Tv-ga qaranka ee ku hadla Afka Xukuumadda Siilanyo ayaa xalay lagu arkay isaga oo ka dhex-muuqada Munaasibadd ay Dhalinyaradda beelaha Subeer Awal ay kaga dhawaaqayeen Urur cusub oo ay yeelan doonaan.
 
Munaasibaddan uu Khadar Cali Gaas ku sugnaa ayaa waxa ku wehelinayay Cabditafaax Siciid Axmed oo ku magacaaban la taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha hay’addaaha caalamiga ah, kaas oo ay saaxiibo xaga fikrika Siyaasada ah ka midaysan yihiin Wiilka Sodoga uu u yahay Madaxweyne Siilaanyo ee Baashe Cail Xaaji Cumar.
 
Munaasibadan uu Khadar Cali Gaas ku sugnaa ayaa waxa ay Dhalinyaraddu ay ku sheegeen in ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay daayacdday Kalsooniddii ay hore u siiyeen
Tibaaxo kulankaasi laga helay ayaa sheegay in Khadar Cali Gaas iyo Cabdifataax Siciid Axmed ay goobta u tageen sidii ay Dhalinyaradan ugu qancin-lahaayeen inay dib uga laabtaan Mawqifkoodan, iyaga oo la sheegay inay wateen Qorshe ka yimid dhinaca Madaxtooyadda, balse ku hungoobay firkoodii ay wakiilka uga ahaayeen Madaxtooyadda.
 
Dhinaca kale Warbaahintii Madaxa banaanayd ee goobta ku sugnayd ayaa isku dayay inay Khadar Cali Gasa wax ka weydiiyaan sababta keentay inuu ka soo dhex-muuqdo Munaasibaddan, ayaa ka gaabsadday inuu tafaasiil bixiyo.
 
44
92423315_el7wt_1404520031
 
 
Berbera news/Hargeysa