Somaliland iyo Itoobiya oo ku heshiiyay inay isweydaarsadaan Ganacsi

Hargeysa(Berberanews):-Shir Maalmo ka hor lagu soo gebo-gabeeyey magaalada Diri-dhaba ee waddanka Itoobiya oo dhex-maray Wufuud Guddiyo Farsamo ah oo ka kala socday dawladaha Somaliland iyo Itoobiya, ay Xukuumadda Somaliland sharraxaad ka bixisay nuxurka iyo muhiimadda qodobbada shirkaas laga soo saaray ee ay labada dhinac isla qaateen, isla markaana wada saxeexdeen.

Qodobbada Shirkaas ka soo baxay ee ay Wufuudda labada dawladood ka kala socday isku raaceen ee ay wada saxeexdeen waxaa ka mid ahaa inay Somaliland hesho Korontada Itoobiya, isticmaalka Dekedda Berbera ee dawladda Itoobiya, habaynta Jidka Berbera iyo Wajaale isku xidha, ka wada shaqaynta ammaanka, kobcinta iyo isku-xidhnaanta Hay’adaha dawladda iyo xoojinta xidhiidhka labada dal.

somaliland-iyo-itoobiya

Waxa sidaa lagu sheegay War-Saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibedda iyo xidhiidhka caalamiga ah ee Somaliland Siciid Cali Muuse, kaasoo uu nuqul ka mid ahi caawa soo gaadhay Aftahannewws, kuna taariikhaysnaa 05/07/2014 oo shalay ama xalay ahayd, waxa uu u dhignaa sidan:-

“War-Saxaafadeed-  05/07/2014- Wufuud 40 xubnood ah oo ka kala socda Somaliland iyo Itoobiya, ayaa Bishan July 1-dii illaa 2-deedii ku shiray magaalada Dire-Dhaba ee dalka Ethiopia. Wufuudda ayaa ahaa Guddiyo dhinaca Farsamada ah oo labada dal ka kala tirsan, waxaana laga wadahadlaayey oo laga heshiiyey, qorshaha ay Itoobiya ku doonayso in ay isticmaasho Dekedda magaalada Berbera illaa 30% meelaha Alaabada Xamuulka ah la dhigo ee Dekedda, jidka Berbera oo la horumariyo, sidii Somaliland ay awoodda Korontada uga heli lahayd Itoobiya iyo iskaashi joogta ah oo dhex-mara Itoobiya iyo Somaliland.

Arrimaha kale ee laga heshiiyey waxa ka mid ah wadahadallo buuxa oo dhinaca Ganacsiga ah, arrimaha socdaalka, ammaanka iyo nabadgelyada, dhismaha Hay’adaha, Tacliinta iyo Tamarta. Qodobbadaas dhammaantood, ayaa si buuxda looga  wadahadlay, iyadoo Itoobiya ay si heer sare ah shirkan u qaban-qaabisay.

Wufuudda Shirkan labada dawladood uga qaybgalay oo heer Farsamo ahaa, ayaa labada geesood waxay Madaxdii kala hoggaaminaysay kala sexeexdeen heshiiskaas, iyadoo Duqa magaalada Dire-Dhawa uu si kalgacaltooyo leh u soo dhoweeyey Wefdiga reer Somaliland ee Shirkaas ka qaybgelay.”