Ururka Al-Shabaab Oo Sheegay Inay Sii Waddayaan Weeraradda Ay La Bartilmaameedsanayaan Xarumaha Dawladda Somalia

Muqdisho (Berbera news) Afhayeenka guud ee Al-shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sh. Cali Dheere) oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay inay xoojinayaan weerarrada ka dhanka ah dowladda Somalia iyo beegsiga taraafikada iyo xildhibaannada baarlamaanka.
 
Sheeh Cali Dheere oo ka hadlay weerarkii shalay ka dhacay Muqdisho ayaa sheegay inuu ahaa mid ay ku doonayeen inay cagta ku mariyaan fariisimo ay ku sugnaayeen ciidammo loogu talo-galay inay ilaaliyaan dhismaha baarlamaanka Somalia.
 
“Wararka aan hayno waxay sheegayaan weerarkaas ay ku dhinteen 32-qof oo laba ka mid ah ay ahaayeen ciidamada AMISOM, halka 30-ka kalena ay ahaayeen kuwa dowaldda,” ayuu yidhi Sheekh Cali Dheere. Inkastoo afhayeenka booliiska Somalia uu sheegay shalay in weerarka ay ku dhinteen afar qof oo laba ka mid ah ay ahaayeen askar.
 
Afhayeenka Al-shabaab ayaa xusay inay weerarrada qaraxyada ah sii wadi doonaan inta ay ka burburinayaan dhismaha baarlamaanka Soomaaliya oo uu ku tilmaamay goob lagu dajiyo sharciyo kasoo horjeeda kuwa Alle waa sidda uu hadalka u dhigay,
Sidoo kale, afhayeenka Al-shabaab ayaa digniin u diray ciidamada Taraafikada oo uu sheegay inay marar badan ka leex-leexdeen, balse wixii hadda ka dambeeya aan laga leexan doonin, isagoo ku sheegay in haddii jidadka lagu arko la dili doono.
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.