Wasaarada Duulista Oo Soo Bandhigtay Qalab Ay Sheegtay In Lagu Maamulayo Hawadda, Xili Ay Hanan Kari-weday Maamulkii Hawadda Somaliland

Hargeysa (Berbera news) Wasaaradda Duulista iyo hawadda Somaliland ayaa soo bandhigtay qalab ay ku sheegeen in lagu tijaabinayo maamulidda hawadda Somaliland, iyadda oo maamulkii hawadda ay si toos ah uloa wargeetay dawladda Somaliya.
 
Warsaxafadeed ka soo baxay Wasaaradda Duulista iyo hawadda ayaa lagu sheegay sidan, kaas oo u dhignaa sidan:-
“Wasaaradda Duulista Hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland oo in muddo ah ku hawlanayd u diyaar garowga sidii ay ula wareegi lahayd una maamuli lahayd hawadeeda sare oo ay hore gacanta ugu haysay Qaramada Midoobay, ayaa diyaar garowgaasi uu ku dhamaaday si guul ah.
 
Wasaaradda Duulista waxay maanta tijaabisay qalabkii lagu maamuli lahaa hawada sare, ee sidoo kale lagula xidhiidhi lahaa Diyaaraha adeegsanaya hawada Xagga sare iyo Xaga hoose ee Somaliland. Tijaabada qalbakaasina ayaa lagu guulaysatay gabo ahaanba.
 
Hawshani loogu diyaar garoobayo maamulka hawada oo ay gacanta ku hayaan Khuburo ka tirsan Wasaaradda Duulista oo uu hogaaminayo Agaasimaha Waaxda duulista Eng. Saciid Mahdi Ileeye, ayaa si habsami leh u socota, iyada oo la diyaariyey dhamaan agabkii loo baahnaa.
 
Wasaaradda Duulista Hawada iyo gaadiidka cirka waxay halkan ka caddanaysaa in Dawladda Somaliland ka go’an tahay inay maamulato hawadeeda awood buuxdana ay arintaasi u leedahay. Somaliland marnaba aqbalaynin in hawadeeda laga maamulo wadan shisheeye.
Ugu dambayn dawladda Somaliland waxay ka digaysaa halisaha ku iman kara daganaanshaha iyo badqabka Mushaaxida hawada sare hadii Qaramada Midoobay ay qaado talaabo aanay isla ogalayn ama ku wada qanacsaneyn dhinacyada arinta maamulka hawadu ay wada khusayso (Stake holders)”
 
Geesta kale Wasiirka Duulista iyo gaadiidka cirka dawladda Somaliya Sicidi Jaamac Qorsheel ayaa isagu Todobaadkii hore mar uu Muqdisho ku soo laabtay waxa uu ku sheegay in si toos ah loogu wareejiyay Somalia maamulka Hawadda Somaliya.
 
 
 
Halkan ka Daawo. Siciid Jaamac Qorsheel Wasiirka Duulista Somaliya oo sharaxaya qaabka uu sheegay in loogu wareejiyay Maamulka Hawadda.

 
 
Halkan ka Daawo. Wasiirka Duulista iyo Hawadda Dawladda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka waramaray heshiis Somaliland iyo Somaliya ku dhex-maray Dalka Turkiga 6 Apr 2014, kaas oo sheegay in heshiiskaasi nuxurkiisu ahaa in hawadda lagu soo celiyo gacmaha Somaalida.

Berbera News/Hargeysa.