Guddoomiyaha Gobolka Salal Oo Xabsiga U Taxaabay  Maamulihii Kastamka Saylac

Hargeysa (Berbera news)  Guddoomiyaha Gobolka Salal Cabdirisaaq Waabari Rooble ayaa  Xabsiga u taxaabay Maamulihii Kastamka Degmada Saylac Cabdirisaaq Aadan Yuusuf, sidda ay sheegayaan wararka laga helayo Magaaladda Saylac
 
Guddoomiyaha  ayaa la sheegay in Ciidamadda Booliska  uu amar ku siiya inay xidhaan Maamulaka Kastamka Saylac, kuwaas oo fuliyay amarka Hogaanka Gobolka Salal, waxaanay tibaaxuhu intaas ku dareen inay ilaa shalay ku hayeen Saldhiga Booliska Degmadda Saylac.
 
Khilaafka Guddoomiyaha  iyo Maamulaha Kastamka Saylac ayaa salka ku haya dagaal iyo dhaawac uu dhawaan maamulaha Kastamku ku qaaday Guddoomiye ku-xigeenka, kaasoo dhaawaciisa la geeyey Dalka Jabuuti.
 
Guddoomiyaha Gobolka ayaa markan ay is af-dhaafeen Maamulaha ka soo noqday dalka Jabuuti oo uu geeyey ku-xigeenka oo Maamuluhu dhaawac uu gaadhsiiyay si loo daweeyo.
 
Warka ayaa waxa uu intaas ku darayaa in goo-dambe xoriyaddiisa loo celiyay Maamulaha Kastamaka Saylac, balse ilaa hadda ma cadda sababta loo soo daayay, madaama oo khilaaf gacan ka hadal ahi uu dhex-maray Maamulka Gobolka.
 
 
 
Berbera news/Saylac