Kooxo Hubasay Oo Weerar Ku Qaaday Xarunta Madaxtooyadda Somalia Iyo Khasaare Ka Dhashay

Muqdsho (Berbera news) Kooxo hubaysan ayaa caawa weerar xooggan ku qaaday xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo warark hordhaca ah ay sheegayaan in khasaare dhimasho iyo dhaawac ah uu sababay weerarkaas.
 
Weerarkan ayaa ka billowday albaabka dambe ee xarunta madaxtooyada ee xiga dhinaca bari, iyadoo warar kala duwan ay kasoo baxayaan weerarkan oo isugu jiray ismiidaamin iyo kuwo toos ah
 
Inkastoo aysan jirin warar rasmi ah oo laga heli karo weerarka ayaa haddana wararka laga helayo waxay sheegayaan in kooxaha hubeysan ay u suuro-gashay inay gudaha u galaan,
halkaasoo ay kula dagaalameen ciidamada ilaalada madaxtooyada.
 
Goobjoogayaal ku deggen madaxtooyada ku dhow ee degmada Boon-dheere ayaa waxay sheegayaan in dagaalku uu yahay mid culus lana maqlayo rasaas culus iyo qaraxyo mararka qaarkood dhacaya.
 
 
Berbera news/Muqdisho