Maxamed Biixi Oo Siyaasaddii Arrimaha Dibada Kaga Mashquulay Muran Ka Taagan Biyaha Hargeysa

 Hargeysa (Berbera news) Wasiirka Arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis   ayaa hirgelinta siyaasadda arrimaha dibada  kaga mashquulay sidii biyo ku filan loogu heli lahaa degmooyinka caasimadda Hargeysa iyo guud ahaanba dalka, iyadoo ay joogaan masuuliyiinta dawladda arrimahaas wakiilka uga ahaa.
 
Wasiir Maxamed Biixi Yoonis, waxa lagu daray guddi madaxweyne Siilaanyo u saaray mashruuc dalka Imaaraadka Carabtu bixinayo oo biyo lagaga soo saarayo degaanka Xunbo-weyne ee waqooyiga Hargeysa, kuwaasoo loogu talogalay in lagu waraabiyo degmooyinka Gacan Libaax, Maxamuud Haybe iyo Axmed Dhagax ee caasimadda Somaliland, taasoo sababtay in wasiirka khaarajigu ka mashquulo siyaasadda dibadda ee loo xilsaaray iyo weliba furdaaminta waxyaabaha sababay in dalalka jaarku xadkooda xidhaan.
 
Wasiirka Arrimaha Dibedda, ayaa hore loogu eeddeeyey maamulka mashruuca buiyaha degaanka Xumbo-weyne oo loogu tallogalay degmooyinka aanay biyuhu gaadhin ee caasimadda, iyadoo la tilmaamay in wasiirku biyahaas u weecinayo degaanno aan ahayn kuwa loogu talogalay.
 
Hasayeeshee, guddi madaxweyne Siilaanyo arrintaas u xilsaaray iyo xubno metelayey degmooyinka Gacan Libaax, Maxamuud Haybe iyo Axmed Dhagax, ayaa kulan albaabadu u xidhan yihiin ku yeeshay xafiiska Wasiirka khaarajiga Somaliland shalay, kuwaasoo fallanqeeyey sidii biyaha degaanka Xumbo-weyne loo gaadhsiin lahaa xaafaddaha loogu tallogalay ee koonfurta caasimadda Hargeysa.
 
Wasiir Maxamed Biixi Yoonis oo markii kulankaasi dhammaaday la hadlay saxaafadda, ayaa sheegay in hawsha guddida madaxweynuhu saaray tahay sidii loo fuddudayn lahaa in degmooyinka Gacan Libaax, Maxamuud Haybe iyo Axmed Dhagax loo gaadhsiin lahaa biyaha laga keenayo degaanka Xumbo-weyne ee Waqooyiga Hargeysa.
 
“Halkan (Xafiiska Wasiirka), waxa ku shiray gudidayadii Madaxweynuhu magacaabay in ay saddexda xaafadood ee Magaaladda Hargeysa ay biyahooda ay wax ka qabato. Guddida wasiirrada ah hore ayey u shirtay, maantana (shalay) waxay la shireen odayaashii xaafadaha, waxaannu doonaynaa in aannu dadka reer Somaliland meel kastaoo ay joogaanba u caddayno in guddidaa xilka ugu wayn ee saaran yahay in dadka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaanba ay biyo cabaan. Biyahu waa nolol, waxaannu doonaynaa in dadkeennu ay biyaha ka haqab-beelaan, dadka wax inna siinayaana (dalalka iyo hay’adaha taageerada biixiya) ay waxa ugu horreeya ee ay ina siinayaan ay biyaha noqdaan. Markaa shirka imminka halkan ka dhacay shir aad iyo aad u wanaagsan ayaa uu ahaa, wuxuunna ku dhamaaday wanaag oo la isku afgartay. Beentii iyo balaayadii (Biyaha laga weecinayo degmooyinka loogu talogalay) suuqa la geliyey meesha ayaannu ka saarnay, runtuna waxay tahay in aannu nahay guddi qaran oo dad ma talaysa oo biyo doonaysa in ay dadka reer Somaliland meel kasta ay ka helaan labada gacmoodna ay ku maydhaan,” ayuu yidhi Wasiirka Khaarajiga Somaliland.
 
Mashruucan biyaha laga soo saarayo degaanka Xumbo-weyne waxa Somaliland ka caawinaya dalka Imaaraadka Carabta, sidaas darteed, qayb ayuu ka noqon karaa wasiirka khaarajigu marka hawlahaas lagala hadlayo dalalka ka baxsan Somaliland, balse, marka hawshu soo gaadho gudaha wadanka iyo caasimadda Hargeysa, waxa haboon inay maamulkeeda yeeshaan hay’adda dawladda ee arrimahaas ku shaqada leh, iyadoo Wasiirka Khaarajigana ay u qurux badan tahay inuu si fiican u guto hawsha baaxada leh ee loo xilsaaray, lana xidhiidha meelmarinta siyaasadda Arrimaha Dibadda Somaliland.
 
 

 
Berbera news/Hargeysa