Mucaaridka Kenya Oo Xukuumadda Uhuru Kenyatta U Soo Jeediyay In Ciidamad Kenya Lag Soo-saaro Somalia

Nairobi (Berbera news) Hoggaamiyaha isbahaysiga mucaaradka Kenya ayaa ugu baaqay xukuumadda Isniintii shalay inay ciidamada Kenya laga soo saaro Somalia, kaddib markii Al-shabaab ay dalkaas ku qaaday weerarro uu dhiig badan ku daatay.
 
 
Raila Amolo Odinga ayaa ka sheegay banaanbaxa inaan la aqbali karin in shacabka Kenya dhiiggooda la daadiyo, isla markaana uu dalku ku jito ammaan-xumada uu haatan ku jiro.Madaxda CORD ayaa ugu baaqay xukuumadda JUBILEE inay sida ugu dhaqsiyaha badan uga soo saarto ciidamada Kenya gudaha Soomaaliya, taasoo ay sheegeen in ay yareyn karto weerarrada Al-shabaab ay ka geysanayso gudaha dalkaas.
 
 
Stephen Kalonzo Musyoka oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka Kenya ayaa ka yiri dibadbaxa: “Innagu lama hadli karno dadka dhegaha la’a.” inkastoo uusan si cad carrabka ugu dhufan cidda uu ula jeedo dadkaas.
 
 
Hadalka mucaaradka Kenya ayaa noqonaya kii labaad oo ay ku baaqaan inta lagu jiro sannadkan, iyadoo madaxda Kenya ay horay u diideen codsigii mucaaradka ee ahaa in ciidamada Kenya laga soo saaro Soomaaliya.
 
Dalka Kenya ayaa waxa uu tan iyo markii uu ciidamadiisa u soo diray Somalia 2011-kii la kulmayay weerarro kaga imaanaya Al-shabaab, iyadoo dhawaan ay weerarro khasaare badan geystay ku qaadday kooxdan deegaanno ku yaalla xeebta Kenya.
 
 
Inkastoo Al-shabaab ay sheegatay dilka in ka badan 92-qof oo ku dhintay dhowr weerar oo ka dhacay gudaha Kenya ayaa haddana madaxweynaha dalkaas wuxuu diiday in Al-shabaab ay ka dambeysay weerarradaas, isagoo sheegay inay falalkaas soo abaabuleen shabakado siyaasiyiin ah oo ku sugan Kenya.
 
 
 
Berbera news/Hargeysa