Uhuru Kenyatta Oo Loogu Baaqo Inuu Iska-casilo Hoggaaminta Kenya

Niarobi (Berbera news) Mucaaradka dalka Kenya ayaa ka dalbaday madaxweyne dalkaas, Uhuru Kenyatta inuu is-casilo, iyagoo u sababaynaya fashilka dowladda ka haysta arimaha amniga iyo wax ka qabasho la’aanta noloshada dadka Kenyaanka ah.
 
Hoggaamiyaha CORD Raila Odinga iyo xubno kale oo ka tirsan mucaaradka Kenya ayaa ku sheegay dowladda mid shaqadeedi gabtay ,isla markaana ay kor –u kaceen arimaha amni xumada iyo waliba musuq-maasuqa .
 
“Maanta waxaan u sheegaynaaa madaxweynaha hadii uusan shaqayn karin inuu iska baxo “ayuu yirdh xildhibaan Bonny Khalwale oo la hadlayay dibad-baxayaal isugu yimid goob ay mucaaradka ka khudbaynayeen .
 
Pemela Ondito oo kamid ahayd dibad-baxayaasha ayaa sheegtay in xukumadda ay ka baxday ballan-qaadyadii ay horey u samaysay ,iyada oo ku cabatay in aysan wax shaqo ah helin tan iyo intii ay xilka la wareegeen JUBILE.
 
Waxaa hakad galay wada-hadalo dhex mari lahaa dowladda iyo xisbiyadda mucaaradka oo looga tashan lahaa mustaqbalka dalka sida uu sheegay Raila Odinga oo tilmaamay in waqtigii wada-hadalka uu dhamaaday .
 
Ugu danbayntii waxa laga dalbaday madaxweyne Uhuru in ciidamada Kenya ka jooga Soomaaliya laga soo saaro sida ugu dhaqsiyaha badan ,iyadoo ay sii kordhayeen weerarrada lala beegsanayo goobo muhiim ah oo ku yaalla Kenya.
 

 
 
Berbera news/Hargeysa