Wasiiro Xukuumadda Ka Tirsan Oo Dhagax-dhigay Xarunta Dab-damiska Hargeysa + Sawiro

Hargeysa (Berbera news) Wasiirka Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali warancade ayaa Maanta dhagax dhigay dhisme cusub oo loo dhisayo Xarunta Dabdamiska Dawlada Hoose ee Hargeysa.
https://i0.wp.com/waaheen.com/wp-content/uploads/2014/07/b1.jpg?w=696
Munaasibadaasi oo lagu soo bandhigayey Dabdamisyo iyo qalab kala duwan ayaa waxa ka soo qaybgalay Maayirka Caasimada Hargeysa Cabdiraxman Maxamed Caydiid (Solteco) Wasiirka Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali warancade, Salaadiin, iyo ganacsato.
https://i0.wp.com/waaheen.com/wp-content/uploads/2014/07/b5.jpg?w=696
Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ugu horeyn ka hadlay ayaa tilmaamay in xarunta loo dhisayo dabdamiska ay tahay mid muhiim weyn leh, waxanu wasiirku sheegay in muddo dheer ahwshani soo socotay basle maanta lagu guulesyta hirglainteeda diyaar yihiin dhammaan baabuurtii dabdamsika xaruntoodiina loo dhisayo, waxanu hoosta ka xariiqay in lacagta lagu soo iibiyey qalabkan ay bixisay wasaarad Maaliyadu. “Runtii Waxa maanta nasiib u yeelatay in caasimadii Dalka ee Hargeysa ay keento dab-damis xukumadu, runtii waa waxyaabaha illahay aanu ugu mahadinayno, ummadana in aanu waxa u qabanay ay arrintani ay cadeynaysaa, hawshani wakhti hore ayey soo bilaamantay laakiin cidda ku dhiirtay waa Xukumada Madaxweyne Siilaanyo, lacagtii ugu horeysay ee lagu bud-dhigayey waxa bixisay wasarada Maaliyada oo 2013 Miisaniyadii Golaha Wakiiladu ansixiyeen galisay, kabacdi wadatashi badan oo aanu la yeelanay wasaarada daakhiliga, Taliyaha Booliska, Maayirka Caasimada, iyo guddidaba, si hawsha loo dardar galiyo, lacagta badankeeda waxa bixisay wasaarada maaliyada lacagtaasi oo u dhiganta Saddex boqol oo kun oo dollar, runtii hawshani waa mid balaadhan oo wax badan soo kordhisay, runtii qalabkan markii ugu horeysay ee la keenay dalka waxa lagu soo bandhigay Xuskii 18 –May, maalintaasi Wasiir Cali Warancade ayaanu kaftamayno , waxan ku idhi maxaa loogu qoriwayey Wasaarada Maaliyada ayaa qalabkan soo iibisay, waayo waxa ku qoran Dawlada Hoose ee Hargeysa, dawlada hoose ee hargaysa waanaga ku wareejinayna qaybayna ka qaadatay soo iibinteeda, laakiin lacagta wasaarada maaliyada Bixisay, basle wasaarada maaliyada umaanan soo iibiney qarankanu u soo iibinay, caasimadanu u soo iibinay.”
https://i0.wp.com/waaheen.com/wp-content/uploads/2014/07/b2.jpg?w=696
Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed (Waran-cadde) oo ka hadlay Munaasibadaasi lagu dhagax dhigayey xarunta Dabdamiska ee Dawlada hoose ayaa waxa uu sheegay in lacagta badankeeda ay bixisay Wasaarada Maaliyada Somaliland, waxa kale oo uu tilmaamay in baahi badan ay bulshada Somaliland u qabtay. “Runtii Mashruucani Waa Mid Billow ah, laakiin waxa lanaga sugaya Afarta Degmo ee Magaalada Hargeysa sidii aanu ugu sameyn lahayn Baabuur Dabdamis ah oo u gaar ah, waxa kale oo jirta in goboladii kale ee Somaliland ay u baahan yihiin Baabuurta Dabdamiska ah kuwaasi oo dabka dhib badani ay ka haysato, oo Magaalooyinka qaarkood Bakharadii ku yaalay labba Cisho gubanayaan, sidaasi daradeed aniga iyo wasiirka Maaliyadu waa in aanu u diyaar garownaa baahidaasi oo sanad walba wasiirka Maaliyadu Miisaniyada ugu daraa Lacag, taaso qorshuhu yahay in guud ahaa Somaliland Min Tuulo illaa Degmo ay hesho Dabdamisyo.”
https://i0.wp.com/waaheen.com/wp-content/uploads/2014/07/b3.jpg?w=696
Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed (Warancade) waxa kale oo bulshada u diray Farriin ku aadan hawsha Dabdamiska oo uu tilmaamay in aanay baabuurta goob walba joogin sidaasi daradeed haaddii Baabuurtu ka soo habsaaman in aanay dadku shiidin iyaga oo ka xanaaqdan raagida laga raagay, waxanu tilmaamay in inta lahelayo Baabuur dabdamis oo xafad walba yaala ay dadku u samraan oo aanay Dadka dabka la dagaalamaya aanay dhibaato kala hor iman, waxa kale oo Wadayaasha Baabuurta ugu baaqay in marka ay Maqlaan Dhawaqa Baabuurta Dabdamiska, Kuwa Caafimadka ee Ambalaaska iyo Booliska in ay waddooyinka loo baneeyo, si hawsha ay ku degdegayaan ay hore ugu gaadhan, cidii amarkaasi ka hor timadan ay talaabo cadka qaadidoonan.
https://i0.wp.com/waaheen.com/wp-content/uploads/2014/07/b1.jpg?w=696https://i0.wp.com/waaheen.com/wp-content/uploads/2014/07/b2.jpg?w=696
 
Berbera news/Hargeysa