“Markii Madaxweynuhu Xilka I Magacaabay Waan Hurday, Markii Uu Iga Qaaday-na…..” Wasiirkii hore ee Xidhiidhka Goleyaasha

Hargeysa (Berbera news) Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha Iyo Cilmi Baadhista Somaliland Aadan Axmed Warsame,ayaa maanta Xilkii si rasmi ah ugu Wareejiyay,Wasiirka Cusub ee Wasaaradani Cali Xaamud Jibriil.
 
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Wixii ay qaranka u haysay Wasaaraddani ay cid kale maamusho.
 
“Intii aan hayay xilka wasaaradda waxaan ku talaabsaday horumar la taaban karo taas oo aan dhiig ku shubay wasaaradda xidhiidhka iyo tignoolajiyada oo markii hore ahayd wasaaradda aad baylaha u ah,Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ee ii gartay markii hore inuu xilka ii magacaabo maanta ii gartay inuu xilka iga qaado aad Ayaan ugu mahad naqayaa,waxaanan odhan karaa Maanta waa maalin wayn,waxaanan xasuustaa markii madaxwaynaha somaliland xilka ii magacaabay oo aan hurday,markii uu iga qaadayna waan hurday,Maanta waxa nasiib wanaag ah inaan wasiirkan cusub xilka ku wareejiyo,waxaana shaqaalaha wasaarada ka codsan lahaa in ay ula shaqeeyaan si ka wanaagsan sidii ay iila shaqayn jireen.
 
“Horta xukuumadu way garan wayday wasaaradan oo dalka maanta muhiimada gaar ah u leh,waxaa ay uruurisaa dhamaan wixii xeer ka soo baxa golaha Baarlamaanka somaliland,waxa ay shacabka reer somaliland si isku mid ah ugu fudaydisaa danaha kasoo gala qasriga madaxtooyada taas oo shacabka fariimaha soo dhex mariyaan wasaarada aan joogo,Muhiimada ugu wayn waxa ay ahayd wasaarada marka ay doonayso in ay baadhis samayso waxa ku baxaysa lacag xadi badan,markaas xukuumadu waxa ay nagu tari jirtay may jirin waanan gacmo xidhnaa waxaanan qaban karayayna may jirin.
 
Dhinaca kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha Cali Xaamud Jibriil waxaanu yidhi “Wasaarada xidhiidhka goloyaasha iyo cilmi baadhista somaliland waa wasaarada muhiim ah haddii looga shaqaysiiyo sidii la rabay,maaha wasaarada liidata waxa ay ku jirtaa wasaaradaha dalka ugu muhiimsan ee lagu uruuriyo xogta,waxa ay qaabilsan tahay wixii xeer kasoo baxa kii la badlayo iyo kuwa hada lagu dhaqmaba in ay uruuriso isla markaas waa goob loogu talo galay in ay kaydiso.
 
“anigu Maanta waxaan odhan lahaa wasiiradu marka xilka laga qaado way iska hadlaan,aniga markii xilka la iga qaaday waxaan la shaqaynayay xukuumada,waxaanan ka mid ahaa xisbiga kulmiye,aniga oo markasta kasii mid ahaan doona”