Warbaahinta Madaxbanaan Gaar Ahaan Telefishanadda Oo Joojiyay Tabinta Wararka Duqa Caasimadda Hargeysa

Hargeysa (Berbera news) Saxaafadda Madaxbanaan Oo Joojisay Tabinta Wararka Maayarka Caasimadda Hargeysa Hargeysa () Qaar ka mid ah Warbaahinta madaxbanan, gaar ahaan Telefishanadda ka hawl-gala Magaalada Hargeysa ayaa joojiyay tabinta wararka Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco).
 
Joojinta Wararka Maayarka ayaa yimi ka dib markii ay Saxaafaddu cabashooyin ka muujisay Nidaamka wararka looga qaato Xafiiskiisa iyo Shirarka ay qabtaan Xubnaha Golaha Deeganaka Hargeysa iyo iyaga oo sheegay in Maayarku sifo kala doorasho ah u xusho warbaahinta uu doonayo, kaas oo dhaqaale ku siiya sidda la sheegay inay y tabiyaan warar ku taxaluuqa awaamiirtiisa.
 
Arrintan ayaa maanta si rasmi ah u soo-shaac-baxdday ka dib markii uu Madaxweyne ku xigeenku Xadhiga ka jiray waddao hal kiiloomitir ah o laga hir-geliyay Degmada Axmed-dhagax ee Magaalada Hargeysa iyo Kormeer uu ku tagay dhismaha waddada cusub ee isku xidha Magaalooyinka Hargeysa iyo Baligubadle. Wwarbaahintan ayaa waxay mar keliya ay ku dhaqaaqeen filic ah in aanay duubin hadalka Maayarka Caasimadda Hargeysa, waxaana arrintani ay muujisay sawir cusub oo laga dheehanayo sidda aanu u fiicanayn Xadhiidhka u dhexeeya Maayarka iyo Warbaahinta madaxbanaan.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa