Wasiirkii Hore Ee Warfaafinta Puntland Oo Garoowe Ku Geeriyoodday

Hargeysa (Berbera news) Waxaa goor dhoweyd magaalada Garoowe ku geeriyoodey wasiirkii hore ee wasaaradda war-faafinta, hiddaha iyo dhaqanka Puntland Axmed Sheekh Jaamac.
 
Marxuumka ayaa maalmihii u dambeeyey xanuunsanayey sida ay noo xaqiijiyeen qaar kamid ah qaraabadiisu, inkastoo weli aan si rasmi ah loo ogaan nooca xanuunka uu u geeriyoodey.
 
Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa Axmed Sheekh Jaamac u magacaabay wasiirka war-faafinta 24tii bishii July ee sannadkii hore ee 2013.
 
Markii uu dhammaaday waqtiga xukuumaddii madaxweyne Faroole, Axmed Sheekh Jaamac wuxuu kamid ahaa wasiirradii xilalkooda waayey, waxaana bedelay wasiirka warfaafinta ee hadda C/weli Indho-guran.
 
Axmed Sheekh Jaamac oo ahaa siyaasi, qoraa iyo suugaan-yahan, wuxuu xilal kala duwan kasoo qabtay dowladdii kacaanka iyo xukuumadihii kala duwanaa ee soo maray Puntland.
 
 
 
Berbera news/Hargeysa