Horn Cable TV: Annagaa Albaabbada U Xidhi WQ Siciid Maxamuud Gahayr

Halkee ayay sartu ka qudhunsan tahay? Meesha yaa ka atoor iyo arbe ah? Maxaa laga jecel yahay maxaase laga neceb yahay? Tolow intee ayaan ka arkay ama ka aqaanna walaalladay, saaxiibbaday, ilmaadeerrayda aan qaddariyo ee  Farxaan Xaaji Cali Guddoomiyaha HCTV iyo Maxamed Cabdi Sheekh (Ilig) Agaasimaha Guud iyo Odayga HCTV!

 

In badan ayay Culimada Somaliland ka hadashay waxyaabaha qarriban ee laga baahiyo Horn Cable TV sida filimmada joogtada ah ee ummadda bara in carroorta la uurdooxo, in la isu weydaarto xaasaska  IWM. Laakiin waxa lagu wajahaa af-gobaadsi “waynu eegi doonnaa, haa, way fiican tahay” marka ay dhaqaaqaanna dheg looma jalaq siiyo. “Waa in albaabbada loo laabo” ayuu ku baaqay Sheekh Caan ahi isaga oo ku jira khudbadda Jimcaha, caalinkaasi waxa joogaa Hargeysa Alle ha u kordhiyo cilmiga, cimriga, caafimaadka iyo cibaadada intaba!

 

Xaggee ayay Diinta Islaamka, dadnimada iyo waddaniyadda ka soo gelayaan Muhannad iyo Maariya kalaara? Weligay ma daawan, mana daawan doono! Miyaa la waayay jilaayo reer Somaliland ah oo gala kaalinta ay ku jiraan raggaas Turkiga iyo Mareykanka ahi… Haddii in uun la I rumaysanayo, waxa aan diyaar u ahay abaabulka koox muwaaddiniin ah, daljir ah, dhaqan-ruug ah oo si joogto ah habeen walba u soo daysa majaaijillo, murti iyo maaweelo ku qotonta afkeenna, dhaqankeenna iyo islaamnimaddeenna. Tolow taas ma u diyaarbaa Horn Cable TV mise waxa ay mashruuc ka soo qaataan dalal shisheeye oo inna doorinaya?

01dii Mey sannadkii 2007da ayaanu safar ku tegaynnay magaalada Berbera annaga oo badan oo ka soconna Jaamacadda Hargeysa, ujeeddadu waxa ay ahayd in aanu ka qayb-galno munaasibad lagu qabanayay Huteelka Xeebsoor oo xus u ahayd maalinta Jaamacadaha Somaliland oo ku cayinnayd 02da Mey gu’ walba. Tolow ma is-beddelkii ayaa aasay dhacdadan muhiimka ah? Ma maalmihii UDUB ayaa loo arkay miyaanay maalin qaran ahayn? Marti-qaadka waxa noo fidisay oo hurdada, jiifka iyo gaadiidkaba guudka u ridatay Marwo Faadumo Siciid Ibraahin Xoghayaha Maaliyadda ee Xisbi-weynaha UCID oo markaas ahayd Guddoomiyaha Jaamacadda Culuumta Badda ee Berbera. Waa meelaha u baahan dib-u-xoreynta ee ay dhaceen nidaamka dalka ka taliyaa!

 

 Waxa aan ahaa arday ku jira Jaamacadda Hargeysa oo dhigta maamulka iyo maaraynta. Fasalkaygu waxa uu ahaa 2C, xilliga aan wax dhigan jiray waa gelinka dambe 04:00 galabnimo illaa 07:30 fiidnimo, arooryada horena waxa aan ahaa macallin maadda Kimistariga ka dhiga dugsiga sare ee Maxamuud Axmed Cali oo ku yaalla Hargeysa. Annaga oo xilli ku began 11:00 aroornimo gaadhi bas ah ka raacaynna meel u dhow Saldhigga dhexe ee Hargeysa ama Xaruntii Taraafiiga Qaranka ayaa waxa la yidhi

“jooga”

“maxaa dhacay”

“waxa aynu sugeynnaa weriye ka tirsan Horn Cable TV oo ina raacaya”

“Isaga ayaa habsaamay, ha soo raaci gaadhi kale ma qof ayaan u xannibmaynnaa”

“maya walaale, aynu sugno, fadlan naga raalli ahaada saaxiibbayaal”

“waayahay”

Intaas ayaa dhex martay ardaydii aan ka midka ahaa iyo guddigii qabanqaabada ee markaas hoggaanka noo ahayd. Cabbaar kaddib waxa isaga oo xiimaya gaadhiga soo fuulay Weriye Maxamed Cabdi Sheekh (Ilig) oo ku jeeni-qaaran qalabka wax lagu duubo. Maadaama oo ay kuraasidu buuxeen, waxa uu istaagay meel u dhaw alaabka sidaas ayaan markii koowaad ku arkay Agaasimaha maanta ku amar-ku-taagleeya mucaaridka Somaliland ee hadba eega meesha ay waxoogaa ka soo gelayaan.

Xilli galab ah ayaanu gaadhnay Berbera, waxa aanu u dabbaal-tagnay Batalaale, waa maalintii labaad ee aan weligay xeeb ku dabbaasho. Nin badaw ah oo ku koray taagyada Hargeysa iyo bannaanadii Abokor ayaan ahay. In aan bad arko waxa iigu horreysay September 2005ta, oo aan ahaa sagaal iyo toban jir. Gugaas waxa aan dhammeeyay dugsiga sare!

 

Hudheel la yidhaahdo Carmo ayay ku degeen koox aan ka mid ahaa, habeennimadiina waxa aanu casho ku lahayn Xeebsoor sidaas ayaan kalluun u cunay saddex milay oo aan Berbera joogay waa af-fur (quraac), hadhimo (qado) iyo casho. Subaxnimadii dambe ayaan ka qaybgalnay munaasibaddii Jaamacadaha Somaliland, waxa ka soo qayb galay Guddoomiyaha iyo ardayda Jaamacadda Cammuud, Md Maxamed Cabdillaahi Badhasaabkii hore ee Saaxil, Guddoonka iyo ardayda Jaamacadda Burco, haween, dhallinyaro iyo mudan kale. Waa beryihii aan jeclaa in la igu qoro khudbadaha, noloshu waa halgane waxa aan maalintaas xuska ka jeediyay gabay ka hadlaya aqoonta, waxaana la ii oggolaaday kaddib markii aan abaabul iyo shir-doceedyo ka galay isla kobtii ay xafladdu ka socotay! Xilli habeen ah ayaanu ku soo laabannay Hargeysa, waxa aan baskii kaga degay Bariga Hargeysa oo aan deegaan ku ahay tan iyo 1986kii. Waa degmada Gacanlibaax oo aan ku qaatay inta badan noloshayda.

 

Waxa aan markii koowaad kulan fool-ka-fool ah la yeeshay Maxamed Cabdi Sheekh Nofember 2011kii. Aniga oo ka warhayay habdhaqankiisa, ma aan jeclayn in aan ula tago arrin iyo aragti midnaba. Si kedis ah ayuu noogu soo galay aniga oo xaajo la wadaagaya Guddoomiye Farxaan Xaaji Cali Axmed oo ah qof horumarka jecel, qiimayn leh, weji furan oo soo dhaweyn iyo gacaltooyo badan! Aniga ayaa walaalkay u gudbiyay soo jeedin nuxurkeedu yahay hannaankii loo baahin lahaa wareysiyo sooyaal ah oo weydiimo badan loogu bandhigo hal-doorka Somaliland.

 

Ragga aan doorbidayay in aan ku bilaabo waxa ka mid ahaa

Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)

Mudane Xasan Ciise Jaamac

Mudane Boobe Yuusuf Ducaale

Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan

Mudane Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax

Mudane Maxamed Xaashi Cilmi

Mudane Cabdisalaan Yaasiin

Mudane Maxamed Siciid Gees

Mudane Axmed Xaaji Cali Cadami

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaaddir

Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame “Hadraawi)

Xaaji Maxamed Siciid Ducaale

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud (Siiro)

Marwo Edna Aadan Ismaaciil

Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare IKK

Farxaan waxa uu arrinkii ka talo-geliyay Md Ilig, waxaanan daawadsiiyay wareysi maqal iyo muuqaal ah oo aan ka qaaday haweenay reer Somaliland ah. Wuu is-diidsiiyay Agaasimuhi, waxa uu eber ka soo qaaday hawshii aan qabtay, inta uu si aan fiicnayn foolka ururiyay ayuu la soo booday weedho iga degi waayay, waxa uu yidhi “

 

Imaam Siciid Maxamuud Gahayr

Akadamiga Waxbarashada iyo Cilmi-baadhista Somaliland

Facebook: Imaam Udubsoor Kabadheere Dibad