Loolan Loogu Jiro Musharaxa Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Ka Dhex-taagan Xisbiga WADDANI Iyo Dareenadda Ku Xeeran

 Hargeysa (Berbera news)  Waxa Xisbiga waddani ka dhex-taagan loolan Siyaasadeed oo abuuray khilaaf aan dibadda u soo bixin oo salka ku haya loolan loogu jiro Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka  Xisbiga WADDANI oo ay isku hayaan Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbigaasi Aaxmed Muumin Seed iyo Dr.Maxamed Cali Cabdi oo ah Quraba-joog ay Mr. Seed ka soo wadda jeedaan Gobolka Awddal.
 
 
Loolankan ayaa waxa la sheegay inay la kala safteen Hogganka sare ee Xisbiga WADDANI, iyadda oo tibaaxuhu ay sheegayaan in Cabdiraxmaan Cirro uu door-bidayo Dr Maxamed Cali Cabdi inuu noqdo Madaxweyne ku xigeenka Mustaqablka ee uu ku higsanayo Hoggaminta Somaliland, halka Xubno kale oo ka tirsan Hoggaanka WADDANI ay Taageero u muujinayaan Axmed Muumin Seed, kuwaas oo la sheegay inay ku tixgelinayaan maadama oo uu ka mid ahaa aasaasayaashii Xisbiga oo xiligii khilaafkii Xisbiga UCID ee Maxkamadda  la isla-tagay uu la saftay Garabkii  Cabdiraxmaan Cirro.
 
 
Khilaafkan aan weli dibada u soo bixin ayaa yimi ka dib markii uu Dr Maxamed Cali Cabdi uu dalka yimi horaantii bishii June, waxaana arrintani ay muujisay loolanka u bilaabmay Xubnahan loolanku  u dhexeeyo ee ka soo wadda-jadda Gobolka Awddal.
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.