Madaxweyne Siilaanyo Oo Beri Safar Ugu Baxaya Dalalka Ingiriiska Iyo Itoobiya

 Hageysa (Berbera news) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa lagu wadda in beri oo Sabti ah uu safar ugu baxo wadamadda Ingiriiska, isaga oo sii mari-doona Dalka Itoobiya.
 
Warka ayaa intaas ku diraya in Madaxweynuhu ka hor safarkiisa London sii mari doono magaalada Addis Ababa ee wadanka Itoobiya, waxaana laga yaabaa sida ay wararku sheegayan inuu Addis-Ababa kula sii kulmo madaxda sare ee dawladda Itoobiya, iyadoo la ogyahay inuu arrimo amni u xidhanyahay xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, waxaana la filayaa in Madaxweyne Siilaanyo ku dedaalo inuu Itoobiya ku qanciyo in la furo xadka labada wadan ee xidhan.
 
Safarkan Madaxweynaha  ayaa waxa uu ku soo beegmayaa wakhti ay dad badani aaminsanyihiin inuu gaabis ku yimid xidhiidhkii Somaliland ay lahayd beesha caalamka, gaar ahaan wadamada jaarka iyo wadanka Ingiriiska. Xadka Itoobiya ay la wadaagto  Somaliland; ayaa sida ay dawladda Somaliland xaqiijisay wuxuu u xidhanyahay arrimo nabadgelyo.
 
 
 
Berbera news/Hargeysa