Wasiirka Duulista Iyo Hawadda  Oo Axsaabta Mucaaridka Ku Taageeray In Laga Baxo Wadd-hadaladda Ay  Somaliland Kula jirto Somalia

 Hargeysa (Berbera news) Wasiirka Duulista iyo hawadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa in maamulka hawadda ee lagu wareejiyay Somaliya ay keeni-karto in Dawladda  Somaliland ay ka baxdo wadda-hadaladda ay kula jirto Somaliya oo lagu waddo inay dalka Turkiga ka qabsoomaan bisha sideedaadd ee Sanadkan.
 
 Wasiirkan oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Magaaladda Hargeysa ayaa waxa uu sheegay in haddii ay  Somalia ku soo adkaysato  go’aanka lagu hoos-geeyay Maamulka hawadda ay keenayso in Somaliland ay si rasmi ah uga baxddo wadda-hadaladaasi.
 
 Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa  “Arrintaasi waa nasiib daro, waa Ummada Muslimka ah ama Umaduhuba hadday wax ku heshiiyaan way dhowraan, laakiin haddii arrintaasi ay xukuumadda Somaaliya ay sidaa ku waddo, go’aankeeda iyo guddoonkeeduna uu sidaa yahay waxay albaabada u xidhaysaa oo ay soo oodi doontaa wadahalladii socday, micno ay ku fadhiyaan wadahadallo ay sii wadaan Somaliland iyo Soomaaliyana jirto, mar haddii qodobkii kali ahaa ee la isku afgartayna ay ka baxeen,”
 
Wasiirku waxa uu intaas ku daray “Wax loo sii wadaana ma jirto wadahadallada, ujeeddada wadahadalkuna wuxuu ahaa in lagu daweeyo muranka iyo khilaafaadka inna dhex yaalla…” ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey “Arrintani waxay ahayd tii ugu weynayd ee Soomaali ay meel dhigato, laakiin imika waxay caddeynaysaa inaan la is aaminayn, sidaa daraadeed xukuumadda Somaliland arrintaasi isha ayaanu ku haynaa, mowqif aan laleebo lahayn baanu ka taaganahay”
 
 Xisbiyadda Mucaaridka  ee UCID iyo WADDANI ayaa Xukuumadda Somaliland u soo jeediyay inay baxdo wadd-hadaladda ay kula jirto Somaliya, kuwaas oo ku tilmaamay kuwo aan waxba soo kordhinayn oo ku kooban arrimo Shakhsi.
 
 

 
 
Halkan ka Daawo Baaqayadda ay Mucaaridku  Xukuumada Ugu Soo Jeediyeen Inay ka Baxdo Wada-hadaladda Somalia.
 

 
 

 
 
 
Berbera news/Hargeysa