Itoobiya Oo Xidhay Afar Ka Mid Axsaabta Mucaaridka Dalkeedda

 Addis-Ababa (Berbera news)  Ciidamada amaanka  Itoobiya ayaa qabtay 4 kamid ah xisbiyada mucaaradka ah ee dalka ka shirciyeysan kadib markii lagu tuhmay in ay faraha kula jireen wax xukuumadu ugu yeedhey “fal-dambeeyedyo”.
 
Xubnahan ayaa la sheegay in ay katirsan yihiin xisbiyadaAndinet(UDJ), Semayawi(Blue party) iyo Arena-Tigray oo dhamaan ah xisbiyo dalka laga ogol yahay.
 
Gudiga xukuumadu u abuurtay iskudubaridada amaanka dalka, NISS, ayaa qirtay qabashada xubnahan isaga oo ku tilmaamay in ay la shaqaynayeen Ginbot 7 iyo TV-ga ESAT oo warbixintu la xidhiidhisay ururka Ginbot 7 oo wadanka mamnuuc ka ah.
 
Warbiixnta NISS ayaa ka gaabsatay in ay magacowdow xubnaha la xidhay hasayeeshe shabkadaha wararka ee ay leeyihiin qurba-joogta taageerta ururada mucaardka ah ayaa faafiyey magaacda 4-ta xubnood.
 
Laba xubnood ayaa kamid ah xisbiga Andinet, 1 xubin ayaa ka socda xisbiga Semayawi halka hal xubin oo kale uu kamid yahay gudiga fulinta xisbiga Arena-Tigray.
 
Gudiga NISS ayaa ku goodiyey in cid kasta oo ku kacda falal dalka lid ku ah dalka ayna ka badbaadayn sharciga dalka.
 
Qabashada xubnahan ayaa ku soo beegantay sawiro u shalay soo bandhigay TV-ga Ethiopia oo muujinya xoghayihii Ginbot 7 oo dabyaaqada bishii hore laga qabtay Yaman.
 
 
 
 
Berbera news