Madaxweyne  Siilaanyo Oo Safarkii Uu Ugu Bixi Lahaa Ingiriiska Iyo Itoobiya Dib Uga Dhacay

Hargeysa (Berbera news) Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa la filayaa inuu Axada beri safar ugu kicitimo wadamada Ingiriiska iyo Itoobiya.
 
Si rasmi ah looma garanayo socdaalka Madaxweynuhu inuu yahay mid shaqo oo uu wadamadaas ku tagayo iyo inuu yahay mid gaar ah. Warar soo baxay ayaa sheegaya in safarka Madaxweynuhu yahay mid gaar ah, balse uu ku dedaalayo inuu magaalada Addis Ababa kula sii kulmo raysalwasaaraha Itoobiya, iyadoo la ogyahay inay dawladda Itoobiya markii u horaysay xidhay xuduudka ay la wadaagto Somaliland. Xukuumadda Somaliland ayaa xidhitaanka xuduudkaas ku macnaysay arrimo nabadgelyo.
 
Safarka Madaxweynaha waxa ku wehelinaya wasiirka arrimaha dibadda Md. Maxamed Biixi Yoonis, xoghayihiisa gaarka ah Cali Axmed Cali iyo xaaska madaxweynaha Aamina Maxamed Jirde, waxaana la filayaa in Wasiir Biixi ka soo noqdo magaalada Addis Ababa, iyadoo madaxweynuhuna u sii gudbi doono wadanka Ingiriiska.
 
Madaxweynaya ayaa haddii uu ogolaado waxa la filayaa inay warbaahintu su’aalo kala duwan ka weydiiso duruufo adag oo ku xeeran Somaliland.
 
Ingiriiska Oo Mar Kale Wwarbixin Ka  Soo-saaray  Amniga Somaliland, Hargeysa Iyo Berberana U Araka In Safarada Muhiimka Ah Oo Keliya Loo Tago.
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.