Qaramadda Midoobay Oo Sheegtay Inay Somalia Ka Caawinayso La Dagaallanka Argagixisadda

Muqdisho (Berbera news)  Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si adag u dhaliilay falalka argagxiso ee muddooyinkan danbe ku soo kordhayay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, iyadoo weerar khasaare dhaliyay lala beegsaday maalmo ka hor madaxtooyada dowladda.
 
Kaddib warbixin kooban oo goluhu uu ka dhagaystay danjire Nicholas Kay waxa guluhu uu  tacsi u diray dhamaan ehelada qoysaskii ku waxyeeloobay weerarrkaas, iyagoo la rajeeyay in si deg deg ah ay ku soo kabsadaan.
 
War-murtiyeed ka soo baxay golaha ammaanka shalay ayaa lagu sheegay in taageero dheeri ah loo fidiyo ciidamada dowladda Soomaaliya, si ay masuliyad dheeri ah ugu yeeshaan gudashada waajibaadka amni ee caasimadda iyo meelaha ka shisheeya.
 
“Xubnuhu waxa uu dalbanayaa in cadaaladda la hor-keeno kooxihii soo abaabulay falkan oo  dhinacyo badan ay ka qayb-qaateen,” ayaa lagu yidhi warkan ,waxaana maamulada kale ee dalka ka jira loogu baaqay inay iskaashi dhab ah wada yeeshaan dowladda hadda jirta.
 
Seddexdii bishan aynu ku jirno waxaa magaalada Muqdisho lagu dilay xildhibaan Maxamud Maxamed Xayd o ka tirsanaa baralmanka Somaaliya, iyadoo isla shantii bishan gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxshay u ku qarxay afka hore ee la galo hoolka baralamaanka Somaliya.
 
Waxaa xubnaha ku jira golaha ammaanka ay ballan –qaadeen in dowladda Somaaliya iyo shacabkeedaba  ka taageri doonaan la dagaalanka kooxaha argagaxisda ah, si dib loogu soo celiyo xasilinoodii dalka ka jirtay.
 
Ugu dambeyn, xubaha golaha ammaanka ayaa xusay in Al-shabaab ay caqabad rasmi ah ku yihiin amniga gobolka oo dhan,isla markaana loo baahan-yahay in  xal laga gaaro ,iyadoo magaalada Muqdisho ay ka socdaan howl-gallo ka dhan ah kooxahi ku lugta lahaa weerarrki madaxtoyada.
 
 
 
Berbera news/Hargeysa