“Cida Waliba Wey Ka War-qabtaa Inay Somaliland Ka Mid Tahay Dhulka Ay Soomaalidu Degto Meelaha Ugu Nab-doon” Madaxweyne Siilaano + Sawirro

Hargeysa (Berbera news) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta safar u baxay waddamada Itoobiya iyo ingiriiska, waxaanu sheegay in Itoobiya uu kala hadli doonno danaha labadda dal, halka uu ingiriiska fasax u tagi doono.


Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Safarkaygu wuxuu u badan yahay mid gaar ah oo aan ugu ambabixi doono dalka Britain, waxaana sii mari doonna dalka Itoobiya oo aanu kala hadli doonno danaha inaga dhexeeya, maadaama oo Itoobiyaha tahay dal aynu jaar nahay oo wax badani inaga dhexeeyo, waxaana iska caadi ah in markasta oo aan baxayo sii maro oo aan la kulmo madaxda Itoobiya”yuu yidhi madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlayey ujeedada safarkiisa.

“Somaliland cid walba way ka warqabta inay meel nabad ah Tahay, dhulalka Soomaalidu degtana waa meesha ugu nabadda badan, waad ogtihiin Xamar waxa ka dhacaya”ayuu yidhi Siilaano oo ka jawaabayey su’aal amniga wax laga waydiiyey.

Dhinaca kale, waxa uu xadhiga ka jaray dhismayaal ay samaysatay wasaaradda Duulista Hawadda Somaliland.












 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa