Daawo:  Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Hadlay Warbixin Ay Dawladda Ingiriisku Kaga Haddashay Amaanka Somaliland

Hargeysa (Berbera nws)  10-kii  Bishan Julay ayuu Wasiirka  Dawladda Ingiriiska u qaabilsan Afrika Mark Simmondsmar uu hor-tagay Baaralamaanka Ingriiska  warbixin uu siiyay waxa uu ku sheegay in Ingiriisku uu Muwaadiniintiisa uga digayo inay u safraan Deegaanadda Somaliland, isaga oo xusan in safaradda muhiimka ah oo kaliya ay ku tag-karaan Magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera ayaa Madaxweyne Siilaanyo oo wax laga weydiiyay aarintasi waxa uu sheegay in Somaliland ay ka mid tahay Wadamadda ugu xasiloon deegaanadda Somaalidda ay degto.
 
 Madaxweyne Siilaanyo waxa uu sidaasi ku sheegay uu maanta ka dhoofay Madaarka Cigaal ee Magaaladda Hargeysa isaga oo ku sii jeeda Wadmadda Ingriiska iyo Itoobiya, waxa uu sheegay in Itoobiya ay ka wadda-hadli-doonaan arrimo ku saabsan xidhiidhak u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya.
 
 Geesta kale Madaxweynuhu waxa uu xadhiga ka jaray Disme cusub oo yelanayso Wasaaradda Duulista iyo Hawadda iyo Mashaariic kale oo laga hir-geliyay Madaarka Hargeysa.
 
 
Safarkan Madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya iyadda oo uu xidhan yahay Xududka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, kaas oo Xukuumadda Somaliland ay hore u sheegtay in loo xidhay arrimo ku saabsan amaanka.
 
 
Halkan ka Daawo Warkan.
 
http://youtu.be/nU8iUEI2AWs
 
 
Berbera news/Hargeysa