“Waxaa Jirta In WADDANI Hoggaankiisa Ugu Sareeya Ay Xaqiiqo Tahay Inay Imaaraadka  Kula Shireen Dawlada Xamar”  Xildhibaan Bukhaari.

 Hargeysa (Berbera news)   Xildhibaan Saleebaan Cawad Cali(Bukhaari) oo ka mida Golaha Wakiilada Somaliland oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaaladda Hargeysa ayaa sheegay in hoggaanka sare ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ay dalka Imaaraadka kulan kula yeesheen Madax ka tirsan dawladda Somaliya, isaga oo aan Xildhibaanku xusin xilagan ay kulmeen
 
Maamusha sida oo kalena ay wax ka sheegaan xaalada Caafimaad ee Madaxweyne Siilaanyo.
Xildhibaan Saleebaan Bukhaari ayaa hadalkan ka sheegay mar uu maanta qaar kamida warfidiyeenada uu ugu waramaayey magaalada
 
Hargeysa”Waxaa maalmahanba soconaayey in Xisbiga WADDANI uu warbaahinta u sheegayey in Somaliland Madaxweynaheeda iyo Cid dadka u talisa aan la garanayn Gudoomiyaha WADDANI-na uu yidhi baadhid kasta oo aanu samaynay waxaa noo xaqiiqa noqotay  in aan cid dalka u talisa aan la garanayn,waxaan rumaysanahay in uu hadalkaasi yahay hadal meel ka dhac ah,waxaan maanta leeyahay oo hagaagsan in aan erayada qaar layska odhanin nin la ogyahayna aan taariikhdiisa aan la qarin nin walibana waxaa uu la soo baxay waa la eegi doonaa  markaa hadaladaas in ay yidhaahdaan oo maalin walba ay Xisbiga WADDANI ay isla soo taagaan ragbadan oo uu ka mid yahay Gudoomiyahooda,Ku-xigeenkooda,Af-hayeenka,xildhibaan Rayte oo caadaystay Cayda Madaxweynaha oo maalin walba Caafimaadka Madaxweynaha wax ka sheega”Ayuu yidhi Xildhibaan Bukhaari
 
Xildhibaan Bukhaari oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu qaar kamida Masuuliyiinta Xisbiga WADDANI uu usoo jeediyey eedaymo aad u culculus,Isaga oona Ibraahim Mahdi Buubaa ku eedeeyey in uu lambaro badan uu ka hayo dawalada Xamar waxaana uu yidhi:
 
 
“Waxaanu leenahay Raytoow waxa aad qabato taariikhda ayaa sheegi doonta Ina Buubaana waxaan leenahay lambaro badan ayaad Xamar ka haysaa oo Xidhiidhkaaga waan ognahayee nimaan shaqo ku lahayn ha eedaynin,Waxaa kale oo jirta in WADDANI hogaankiisa ugu sareeya, ay xaqiiqo tahay in ay Imaaraadka ay kula shireen Dawlada Xamar ee Xasan Sheekh iyaga oo leh,Waxaanu nahay ragii isku keeni lahaa Somaali ee naga warhaya oo na taageera”
 
 
 
 
Halkan Ka Daawo.

 
Berbera news/Hargeysa