XULKA JARMALKA OO HANTAY KOOBKA ADDUUNKA EE 2014-KA IYO TAARIIKHDA UU DHIG

Xulka qaranka Jarmalka ayaa ku guulaystay koobka adduunka ee sannadkan 2014 lagu qabtay dalka Brazil, kaddib markii ciyaartii  dambaysay uu 1-0 kaga badiyey xulka Argentine.

Ciyaartan oo ka dhacaysay garoonka caanka ah ee Maracana ee magaalada Reo, ayaa labada kooxood 90-kii daqiiqo ee waqtiga caadia ah isku dhaafiwaayey gool la’aan 0-0, hase ahaatee 30 daqiiqo oo waqti dheeraad ah lag daray, ayaa qaybtii dambe oo 7 daqiiqo oo keliya ka dhiman tahay, waxa  suurtogalay xulka Jarmalka inuu dhaliyo gool uu u saxeex Mario Goetze oo beddel ku soo galay ciyaarta.

Jarmalka

Guushan xulka Jarmalka, ayaa ka dhigtay markii 4aad ee uu ku guuleysto koobka adduunka, iyadoo koobkii u danbeeyey uu ku guuleystay 1990.

Jarmalku waxa uu noqday xulkii u horreeyey ee abid koobka adduunka ku guulaysta oo lagu qabtay Koonfurta Ameerika.