Al-Shabaab Oo Sheegtay Inay Sii Wadayaan Weeraradda Ay Ka Geysanayaan Muqdisho

Muqdisho (Berbera news) Afhayeenka hawlgallada Ururka Al-shabaab Sheekh Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa sheegaay maanta inay sii wadi doonaan ballan-qaadkoodii ahaa inay ka geysn-doonaan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho weeraro ballaadhan inta lagu jiro bishan barakaysan ee Ramadaan, hawl-galladaasu-na waxaa lagu bartilmaameedsan doonaa xarumaha dowladda iyo kuwa kale ee cadowga waa sidda uu hadalka u dhigaye.
 
Abuu Muscab ayaa xusay inay sii wadi doonaan beegsiga askarta iyo shaqaalaha dowladda Soomaaliya, ayna ku dili doonaan meel walba oo ay ku arkaan, isagoona intaas ku daray inay ku guuleysteen maalmihii Ramadaan ugu horreeyay inay halbowlaha jareen cadowga Islaamka oo uu ula jeeday dowladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM ee caawinaya.
 
“Ilaahay fadligiis waxaan ku guuleysannay inta badan ballantii aan horay u qaadnay ee ahayd in inta lagu jiro bisha Ramadaan aan naafeyn doonno cadowga. Maanta cadowga halbowlayaasha ayaan jarnay si uu u dhiig baxo. Inta ka harsan bishanna howlgalladu way sii socon doonaan,” ayuu Sheekh Abuu Muscab ku yidhi hadalkiisa.
 
 
Ugu dambeyn, afhayeenka howlgallada Al-shabaab ayaa hadalkiis kusoo af-jaray inay xoogaggoodu diyaar u yihiin inay weerarro kale oo waaweyn ka fuliyaan magaalada Muqdisho, ayna ku layaan xubnaha dowladda Somalia.
 
 
 
Berbera news/Hargeysa