ALLE Ha U Naxariistee Qoraagii Cabdiqaadir Oromo Oo Ku Geeriyoodday Dalka Ingiriiska

Hargeysa (Berbera news)  Waxaa xalay  Cusbitaal ku yaal magaalada London ee dalka Britain ku geeriyooday ALLE ha u Naxariistee Qoraagii  Cabdiqaadir Cismaan oo loo yaqaanay  Oromo oo ka mid ahaa qorayaasha Soomaliyeed ee qoraallada badan ka sameeyay colaadaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.
 
Rabbi ha u naxariisteen C/qaadir Oromo ayaa  Cubitaalka uu ku geeriyooday wuxuu u jiifay xanuun muddooyinkii dambe hayay oo halkas loo dhigay, balse weli lama sheegin cudurka uu dhintay wuxuu ahaa.
 
Qoraagan ayaa wuxuu qoray intii uu dalku ku jiray burburka buugaan fara badan oo ay ka mid ahaayeen; Sababihii Burburka Somalia.Tiirkii Colaadda. Sooyaalka Soomaaliya, Hadimada Gumeysiga iyo kuwo kale oo fara badan.
 
Sidoo kale, wuxuu lahaa buugaag iyagana uu si gaar ah uga hadlayo dadka Soomaaliyeed iyo dhibaatada dhexdooda taalla, waxaana ka mid ahaa; Ilmo Dahabo Tool-moon, Salaamullahaa Calal Xujaaj, Dhagax Kariye iyo Been Dhoobe, Toban Kunleey iyo kuwo kale.
 
Dhanka kale, C/qaadir Oromo ayaa wuxuu qaybaha warbaahinta Somalida ka jeedin jiray warbixinno ku saabsan colaadaha Soomaaliya la dagay iyo sida ay caalamku u arkaan, isagoo Soomaalida ugu baaqi jiray inay nabad u baxaan ayna joojiyaan colaadda.
 
Marxuumka ayaa intii ay dagaallada sokeeye socdeen wuxuu qaybo ka mid ah noloshiisa ku qaatay Muqdisho, inkastoo uu deggenaa magaalada uu ku dhintay xalay ee London.
 
 
Berbera news/Hargeysa