Daawo:  Wasaaradda Hawlaha Guud Oo Soo Bandhigtay Liisamadda Gaadiidka Oo Dib U Habayn Lagu Sameeyay

Hargeysa (Berbera news)  Munaasibad lagu soo bandhigayay dib u habayn lagu sameeyay cadaynta waddo -marista Gaadiidka ee loo yaqaano Liisanka ayaa lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Hawlaha Guud ee Somaliland, waxaana lagu soo bandhigay Liisanka oo loo sameeyay hab casriya oo Elkarinooni ah, waxaana Sharaxaya  Agaasimaha guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud Mukhtaar Maxamed Cali.
 
 
Taliyaha Ciidanka Nabad-gelyadda Waddooyinka Gaashaanle dhexe  Faysal Xiis iyo Maxamed Xaji Xasan oo ka socday  Shirkaddii dib u habaynta ku samaysay liisankan ayaa soo jeediyay in laga adkeeyo bixinta Sharciyadda Waddo-marista.
 
Wasiirka Hawlaha guud Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa ka waramay Masuliyadda saaran waddayaasha  Gaadiidka.
 
Iyadda oo Shilal kala duwan ay ka dhaceen Meelo ka mid ah Somaliland ayaa Ciidamadda Nabad-geylayadda Waddooyinka  ay arrintaasi ku tilmaamaan inay Liidato Aqoonta Wadadayasha Gaadiidka.
 
 
 
Halkan ka Daawo.

 
 
Berbera news/Hargeysa