Dagaal dhexmaray Badhasaabka Saaxil iyo Xildhibaanno Golaha Deegaanka Berbera ah

Berbera-(Berberanews)-Badhasaabka Gobolka Saaxil  Fahmi Cabdi Bidaar  iyo Laba Xildhibaan oo k aatirsan Golaha Deegaanka Berbera, oo kal ah; Iid Saleebaan iyo Maxamed Cali Dheere, ayaa isku fara-saaray Xafiiska Maayarka Berbera.

 

Xiisaddani waxay ka dhalatay markii Badhasaabku galay Xafiiska Maayarka, halkaasoo ay ku sugnaayeen dhawr  Xildhibaan oo ay kamid yihiin Iid Saleebaan iyo Maxamed Cali Dheere ay Badhasaabka waydiiyay sababta uu u xidhay  Bishi shannaad ee sannadkan laba xildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka kuwaasoo lahadlayay dadweyne mudaharaad salmi ah ku taageerayay Garabkii Muuse Biixi ee Xisbul-xaakimka , kuwaasoo muddo 36 saacadood ah ku xidhnaa saldhigag dhexe ee Degmada Berbera.

dawldda hoose

Arrintaasi waxay sababtay keentay hadallo kulul oo sababtay gacan ka hadal inuu dhexmaro labada xildhibaan iyo Badhasaabka oo la kala jiiday, wakhtigaas oo uu Xafiiska ku sugnaa Maayarka Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan.

12 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Deegaanka Berbera ayaa saxeexay Kal-fadhi aan caadi ahayn oo Golaha Deegaanka Berbera isaga yimaadaan Tallaabadii Badhasaabku ku xidhay Labada Xildhibaan oo ay doonayaan inay Maxkamadda u gudbiyaan Dacwad ka dhan ah Badhaasaabka Gobolka oo ay ku eedaynayaan inuu sharciga jebiyay.

Daawo sawirrada Xildhibaannada oo Boolisku Xidhayaan

 

 xadhig xadh