Dawladda Ingiriiska Oo Ruq-saddii Dhakhtarnimo Kala Noqotay Dr Macow

 Hargeysa (Berbera news) Dowladda Ingiriiska ayaa rukhsaddii shaqo ee caafimaadka kala noqotay Dr. Cali Macow Aweys oo ah dhakhtar Soomaali ah oo wax ku bartay dalka dalka Jarmalka, muddana ka shaqaynayey dalka Ingiriiska oo uu ku lahaa rugo caafimaad oo uu dadka ku daweeyo.
 
Golaha guud ee caafimaadka dalka Ingiriiska oo ah hay’adda qaranka u qaabilsan rukhsad-siinta, anshax-marinta iyo la socoshada heerka aqooneed iyo shaqo ee mihnadlayaasha caafimaadka dalka Ingiriiska ayaa si rasmi ah u shaacisay in Dr. Cali Macow uu sannadkii 1987kii cilmiga caafimaadka guud ka bartay jaamacadda Johnnes Gutenberg Universität Mainz ee dalka Jarmalka, rukhsadda diiwaangelintana uu dalka Ingiriiska ka qaatay sannadkii 2007dii, laakiin diiwaangelinta rukhsadda lagu siiyey ay ahayd dhakhtar guud oo aan lahayn takhasus sida ay golaha GMC sheegeen.
 
Golaha GMC ayaa degelkiisa rasmiga ah ee internet oo uu Geeska Afrika akhriyey waxa uu ku baahiyey in iyada oo laga duulayo go’aanka ay gaadheen guddi dhegeysatay dacwado ka dhan ah Dr. Macow oo hore loogu saaray qiimaynta iyo hubinta in uu u qalmo inuu dalka Ingiriiska kaga shaqeeyo mihnadda caafimaad, uu golaha GMC dhakhtar Macow ka tirtiray diiwaanka Dhakhaatiirta iyo mihnadlayaasha caafimaadka ee ka shaqayn kara dalka Ingiriiska. “Ruuxani kuma jiro diiwaanka caafimaad, sidaa awgeed dhakhtarnimo kagama shaqayn karo dalka Ingiriiska” ayaa lagu yidhi qoraalka guddida caafimaadka guud ee dalka Ingiriisku ay kaga warramaysay go’aankeeda la xidhiidha Dr. Macow.
 
Goluhu waxa uu qoraalkiisan ku sheegay in muddadii ka dambaysay diiwaangelinta Dr. Macow laba jeer oo ahaa sannadihii 2012kii iyo 2014kii shaqada laga joojiyey, laakiin ugu dambayntii 1dii bishan July uu guddidu gaadhay go’aankan kama damaysta ah ee rukhsadda lagaga qaaday oo aanu Dr. Macow ka qaadan karin racfaan, balse loo ogol yahay in uu Shan sano kadib mar kale dib isu diiwaan geliyo isaga oo shuruudaha looga baahan yahay dib u soo wada bilaabaya, sida ruux cusub, kadibna ka dhursugaya in laga aqbalo iyo in kale.
 
Qoraal 21 bog ka kooban oo uu golaha caafimaadka ee Ingiriisku ka diyaariyey hab-socodkii dacwadda ka dhanka ahayd Dr. Cali Macow ayaa lagu sheegay in maxkamadda sare ee dalka Ingiriisku ay go’aansatay in aanay kuu ogolaan wax racfaan (Ambill) ah uu ka qaato go’aanka ay guddidu rukhsadda kaga qaadday. “Guddida anshax marinta waxaa lagu wargeliyey in  maxmakadda sare ay baadhitaankeeda ku wayday wax lagu duri karo ama iin ku noqon kara go’aanka uu guddida anshax marintu soo saari doono” ayaa lagu yidhi qoraalkaas.
 
In kasta oo sababta ay guddida caafimaadka guud ee Ingiriisku ku qaateen go’aankan rukhsadda ay kaga qaadeen Dr. Macow ay xidhiidh la leedahay gudniinka fircooniga ah, haddana arrinta muhiimka ah ee ku xusan qoraalka guddidu waxa uu yahay in Dr. Cali Macow Aweys uu yahay dhakhtar guud oo aan lahayn takhsus gaar ah, taasina waxa ay burinaysaa takhsusyada kala duwan ee uu Dhakhtarkani marar badan ka sheegto talefishannada ku hadla Afka-Soomaaliga, iyo weliba markii uu dhowaan safarka ku yimi Hargeysa isaga oo doonaya in uu bixiyo adeegyo caafimaad oo uu sheegtay takhasusyo tiro badan.
 
Dhinaca kalana Dr. Macow oo hadda safar shaqo ku jooga magaalada Garoowe ee maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya ayaa barta uu ku leeyahay Internet ka ogeysiis uu ku baahiyey waxa uu ku sheegay in marka uu Yurub ku noqdo uu hadda kadib fadhigiisu noqon doono dalka Jarmalka, taas oo caddaynaysa in uu Dr. Macow u hoggaansamay go’aanka rukhsadda lagaga qaaday sidaasna kaga guurayo dalka Ingiriiska.
 
 
 
Berbera  news/Hargeysa