Mucaaridka Kenya Oo Xukuumadda Uhuru Kenyatta Ugu Baaqay Inay Soo Ban-dhigto Tiradda Askarta Kenya Kaga Dhimatay Somalia

Nairobi (Berbera news) Hoggaamiyaha is-bahaysiga mucaaradka ah ee CORD Raila Odinga ayaa xukuumadda Kenya ka dalbaday inay soo ban-dhigto tirada ciidamada Kenyaanka ah ee lagu dilay gudaha Soomaliya tan iyo sannadkii 2011 oo ahayd markii ugu horreysay oo ay galaan Soomaaliya.
 
Kenya ayaa waxaa kaga sugan Somalia 4,000 oo askari oo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, kuwaasoo iska-horimaadyo badan la galay xoogagga Al-shabaab ee ku sugan gobollada Koonfurta Somalia oo ay ka howlgalaan ciidamadan.
 
“Ciidamada Kenya waxay ku dhimanayaan Soomaaliya. Waxaan aragnaa in naxashyo la keenayo Kenya maalin walba, balse dowladdu weli ma sheegin tirada saxda ah ee ciidamada Kenya kaga dhintay Soomaaliya,”ayuu Odinga ka yidhi magaalada Nairobi.
 
Ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya ayaa ka dalbaday xukuumadda inay tahay sharci inay shacabka Kenya u sheegto askarta looga dilay Soomaliya, si ay uga fekeraan inay ciidamadooda sii joogaan halkaas iyo in laga soo saaro.
 
Madaxa isbahaysiga CORD ayaa todobaadkii lasoo dhaafay dalbaday in laga soo saaro ciidamada Kenya gudaha Somalia, taasoo ay sabab uga dhigeen inay xudun u yihiin weerarrada ay Al-shabaab ka geysanayso gudaha dalka Kenya.
 
Dowladda Kenya weli kama aysan hadlin baaqa kasoo baxay hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Kenya ee ku aaddan in xukuumaddu ay sheegto tirada rasmiga ah ee ciidmada Kenya looga dilay Soomaaliya tan iyo markii ay howlgalladooda billabeen saddex sano ka hor.
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa