Golaha Wasiiradda Oo Shir Ka Yeeshay Maamulka Hawadda Ee Ay Wasaaradda Duulista Iyo Hawaddu Daayacdday

Hargeysa (Beberbera news) Shirkan oo uu Guddoominayay Madaxweyne  ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa waxa lagaga hadlayay Maamulka hawadda ee dhawaan ay Somaliya sheegtay inay  la wareegtay, waxaana Shirkaasi lagaga dooday qodobo ay ka mid yihiin sidii ay Somaliland Mawqif adag iskaga taagilahayd Maamulka Hawadda.
 
 Warsaxafadeed ka soo baxay Xarunta Madaxtooyadda ayaa u dhignaa sidan:-
 
“Fadhigii Maanta ee Golaha Wasiirada Jamhuuriyada Somaliland oo tirsigiisu ahaa fadhigii Boqol iyo Sideed iyo Sodonaad (138aad) oo uu gudoominaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ahna ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, ayaa goluhu waxa uu kaga dooday sida ay lagama maarmaanka ay u tahay in la cadeeyo mawqifka rasmiga ah ee xukuumada Somaliland ay ka qabto, Sheegashooyin beryahan danbe ka soo baxayey xukuumada ku meel gaadhka ah ee Somaliya oo beesha caalamka ay u sheegayeen in ay ka masuulyihiin meelo ka mid ah xuduudaha, bada iyo Hawada Somaliland, taasi oo haba-yaraatee aanay waxba ka jirin.
 
 Somaliland waxay leedahay xuduudo qeexan oo mucayin ah. oo ah kuwii ay lahayd xiligii gumaysiga iyo ka dibba, xuduudahaasi oo waafaqsan sharciga caalamiga ah kuna cad Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland.
 
Hadaba fadhigaasi golaha wasiirada waxa beesha caalamka loogu cadaynayaa in Somaliland iyada oo xaqdhawraysa qawaaninta caalamiga ah, iyana ay xaq u leedahay difaaca xuduudeheeda dhinaca bada, beriga iyo Hawada.
 
Waxayna xukuumada Somaliland ka digaysaa cidkasta oo soo faragelisa xuduudahaa mucayinka ah ee Somaliland, in ay si aan gabasho lahayn u difaacayso, wixii ka yimaadana cidii ku soo xadgudubtay ay ka masuul tahay.
 
Ugu danbayn Somaliland waxay ixtiraamaysaa nabad ku wada noolaanshaha dadyawga iyo Dawladaha Geeska Africa iyo kuwa caalamkaba”
 
 
Maamulka hawadda ayaa waxa hore Dalka Turkiga heshiis ugu wadda-saxeexdday Somaliland iyo Somaliya, iyadda oo uu dhawaana Wasiirka Duulista iyo Gaadiidka Cirka Somaliya  Siciid Jaamac Qoorsheel  uu sheegay inay Somaliya si rasmi ah ula wareegtay hawadda ayaa Wasiirka Duulista iyo Hawadda Maxamuud Xaashi Cabdi uu sheegay in Xukuumadda Somaliland aanay aqbalayn go’aanka hawadda lagu hoos-geeyay Somaliya.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.