Kulan Afur Ah Oo Loo Sameeyey Masuuliyiinta Wargeysyada Haatuf Iyo Hubaal Ee Xukuumada Siilaanyo U Xayiran + Sawirro

Hargeysa (Berbera news)  Ururka Dhalinyarada ee Jiiddali ayaa Kulan Afur iyo Casho isugu lammaan Caawa U Sammeeyey Mas’uuliyiinta labada wargeys ee Xukuumadda Siilaanyo Albaabada u laabtay ee HUBAAL iyo HAATUF.

Kulankaas oo galabta ka dhacay Hotel-ka Imperial ee Magaalada Hargeysa Waxa ka soo qayb galay Hoggaanka sare ee ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SOLJA, Guddoomiyeyaasha Wargeysyada Haatuf/Somaliland Time iyo HUBAAL/Independent Muj. Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Maxamed Axmed Jaamac (Calooley), Tifaftirayaasha guud ee HAATUF iyo HUBAAL Axmed Cali Cige iyo Xasan Xuseen Cabdillaahi Keefkeef, Siyaasiyiin, Sharci-yaqaanno, Xubnaha ururka Jiidali, dhalinyaro iyo marti sharaf kale.
Waxaana kulankaasi si weyn loogu lafa guray xaalada xoriyatal qawlka dalku ay marayso iyo duruufaha ku xeeran saxaafada Somaliland kadib markii
xukuumadu ay albaabada u laabtay wargeysyada Haatuf/Somaliland iyo Hubaal isla markaana ay xabsiga u taxaabtay Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Axmed Cali Cige.
 
Guddoomiyaha ururka Jiidali oo munaasibadaas ka hadlay ayaa ujeeddada kulankan ku tilmaamay mid ay ku dhiiri gelinayaan labada wargeys ee xukuumaddu cudhisay iyo tacadiga caddaalad darrada ku dhisan ee ay kala kulmeen.

Guddoomiye ku xigeenka Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SOLJA Maxamed Cabdi Guuleed (Curad) oo isna madashaas ka hadlay ayaa ku bogadiyey ururka soo qabanqaabiyey kulankan isaga oo tilmaamay in tallaabada ay qaadeen ee ay ku dhiirigelinayaan Xorriyatul qawlku tahay mid muhiim ah oo ay ka furteen SOLJA Ahaan.

Guddomiyeyaasha labada wargeys ee Haatuf iyo HUBAAL iyo tifaftirayaashooda ayaa iyaguna madasha khudabdo ka jeediyey, waxaanay ka warrameen xaalada saxaafadda Somaliland maanta marayso iyo waxyaabo dhaqan ahaan ku cusub saaxadda warbaahinta oo ay xukuumaddu soo kordhisay intiia y talada haysay.

 
Garyaqaan Muuse Yuusuf Maxamed oo kamid ahaa sharci yaqaannadii u doodayay Masuuliyiinta HAATUF iyo HUBAAL Waqtiyadii ay dacwadu ku socotay ayaa isaguna halkaas ka hadlay.
Waxa kale oo kamid ahaa dadkii madasha ka hadlay Mujaahid Maxamed Biixi Caalin (Ootto) iyo Siyaasiga Madaxa banaan ee Axmed Ismaaciil Like.
 
 
 
Berbera news