Shirkadda  Diyaaraddaha Ee Air Uganda Oo Joojisay Duulimaad-yadeeddii  Ay Ku Tagi-jirtay Muqdisho

Hargeysa (Berbera news) Shirkadda diyaaradaha ee Air Ugandha oo horey isugu xidhi-jirtay magaalooyinka Muqdisho iyo Kambala ayaa shaqadii laga joojiyey amar kasoo baxay hay’adda Duulimaadka ee dalka Ugandha.
 
Amarkan ayaa lagu sheegay inuu la xadhiidho dhanka baadhitaano lagu sameeyey cilado haysata diyaaradaha ay adeegsato shirkada Air Ugandha.
 
Shirkada Air Ugandha oo horey isugu xidhi-jirtay magaalooyinka Muqdisho, Nairobi, Mombasa, Dar es Salaam, Kilimanjaro, Juba, Bujumbura iyo Kigali ayaa waxaa iskaleh Shabakada Shirkada Aga Khan Fund for Economic Development.
 
Warar ay qoreen qaar kamid ah Jaraa’idka Ugandha ayaa sheegaya in arrintan ay salka ku heyso loolan u dhaxeeya qaar kamid ah mas’uuliyiinta dowlada Ugandha iyo shirkada Air Ugandha oo sanadihii lasoo dhaafay noqotay shirkada ugu weyn ee dalka Ugandha.
 
Waxaa jira qorshayaal la xariira in dib loo soo nooleeyo shirkadii diyaaradaha ee dowlada Ugandha ee Ugandan Airlines mashruucaasi oo ay wataan siyaasiyiin kamid ah dowlada, arrintaasi oo loo aaneenayo cadaadiska la saaray Air Ugandha.
 
Shirkada Air ugandha ayaa waxaa si weyn u adeegsada askarta AMISOM ee kasoo jeeda dalka Ugandha iyo waliba Soomaalida ay dhib ku tahay duulimaadyada kale ee taga magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
 
Air-Ugandha-Muqdisho2
 
 
 
Berbera news/Hargeysa