Askari Ka Tirsan Booliiska Somalia Oo Muqdisho Ku  Toogtay  Xaaskiisa Oo Uur Leh

Muqdisho (Berbera news) Askari ka tirsan ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa xalay ku toogtay degmada Hodan ee gobolka Banaadir xaaskiisa oo uur lahayd, kaddib markii uu khilaaf soo dhexgalay.
 
Maydka gabadhan oo lagu magacaabi jiray Nadiifo Axmed ayaa waxaa ka qaaday guriga lagu dilay ehelladeeda, iyadoo askariga dilka geystay uu ka baxsaday goobta markiiba.
 
“Dilku wuxuu dhacay xalay, waxaana warku nagu soo gaaray in gabadha la dilay iyo saygeeda uu muran dhexmaray, muranka kddibna uu saygu rasaas ku furay xaaskiisa, taasoo keentay inay isla goobta ku geeriyooto,”
 
Sidoo kale, gabadhan ayaa sheegtay in uur ay lahayd walaasheed ayna isla dhinteen iyada iyo ilmihii uurka ugu jiray, iyadoo wax aaad looga xumaado ku tilmaantay dilka saygan uu u geystay xaaskiisii oo uur ahayd.
 
Lama oga illaa hadda murankooda wuxuu salka ku hayay, waxaase tani ay qayb ka noqonysaa falalka aan horay looga baran bulshada dhexdeeda eek u soo kordha magaalada Muqdisho.
 
Ciidamada booliiska degmada Hodan oo gaaray guriga uu dhibku ka dhacay ayaa sheegay inay sameynayaan baaritaan ay kusoo qabanayaan askariga askariga dilka geystay, si sharciga loo horkeeno.
 
Sannadkii lasoo dhaafay ayay ahayd markii haweeney ay saygeeda ku dishay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir kaddib markii uu muran soo dhexgalay, iyadoo ku toogatay qori uu lahaa xilli uu hurdayay.
 
 
 
Berbera news/Hargeysa