Daawo: Wasiirka Arrimaha Dibadda Oo Sheegay Inay Sii  Soconayaan Wadda-hadaladda Somaliland Iyo Somalia

Hargeysa (Berbera news) Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay inay Xukuumadd ahaan ay sii wadayaan wadda-hadaladda ay kula-jiraan Dawladda Fadaraalka Somalia, kuwaas oo lagu waddo inay qabsoomaan bisha sideeddaad ee Sanadkan.
 
 
Wasiirku oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar uu  ugu maqanaa  Dalka Itoobiya ayaa waxa kale oo uu sheegay in Dawladda Itoobiya ay furayso xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya oo muddo bilk u siman xidhan.
 
 
 
Xisbiyadda Mucaaridka UCID iyo WADDANI ayaa dhawaan Xukuumadda  Somaliland u soo jeediyay inay ka baxdo wadda-hadaladda u socdda Dawladda Somalia, iyagga oo ku tilmaamay kuwo aan soo kordhinayn wax natiijo ah.
 
 
Halkan Ka Daawo.

 
 
Berbera news/Hargeysa.