Garaad Cabdilaahi Cali Soofe Oo Ku Geeriyoodday Magaaladda Buuhoodle

Buuhoodle (Berbera news) ALLE ha u Naxariiste waxa Magaaladda Buuhoodle  ee Gobolka Cayan ku geeriyoodday Garaad Cabdilaah Garaad Cali Soofe oo ka mid ahaa Cuqaasha Deegaanadda Buuhoodle.
 
 
ALLE ha u Naxariistee Garaadka ayaa Salaaddii Casar markii uu ka baxay ku soo booday xanuun kadis ah oo uu  geeriyooday, waxaanu ka mid ahaa Garaadda ugu Taariikhadda dheer deegaanadda Sool iyo Buuhoodle.
 
 
ALLE ha u Naxariistee Garaad Cabdilaahi Garaad Soofe waxa uu sidoo kale ka mid ahaa Madaxdhaqameedka sidda weyn looga yaqaanayo Dhulka ay degto Soomaaliddu, isaga oo ka mid ahaa dadka sidda weyn looga Ixtiraamo Deegaanadda Sool iyo Buuhoodle.
 
 
Berbera news/Hargeysa