Isra’iil oo weerar dhulka ah ku qaaday Qaza Iyo Dhimashadda Oo Sii  Baddatay

Hargeysa (Berbera news)  Ugu yaraan 19 qof oo reer Falastiin ah ayaa ku dhintay weerar cusub oo dhinaca dhulka ah oo ay Isra’iiliyiinta ku qaadeen Marinka Gaza.
 
Isra’iil ayaa habeenimadii Jimcaha soo galayey shaacisay inay duulaan dhanka dhulka ah ku qaadeyso Marinka Gaza kadib 2 todobaad oo ay duqeyn dhanka cirka ah ku waday dhulka Falastiin.
 
Isra’iil ayaa sheegtay inay dooneyso inay hubka ka dhigto isla markaana burburiso dhulmareenada ama gododka qarsoodiga ah oo ay dagaalyahanada Falastiin u isticmaalaan weerarada ay ku qaadaan dhulka ay Isra’iil xooga ku heysato.
 Israeli tank performs a manoeuvre after the end of a five-hour humanitarian truce, near the border with the Gaza Strip
Sanadadii 2008-2009 ayaa ugu danbeysay xili ay Isra’iil ciidamadeeda dhulka ay gudaha u galaan marinka Gaza xiligaasi oo ay ku fashileen inay muuqiniyaan xoogaga Xamaas oo iska difaacay, walow dagaalkaasi ay ku dhinteen kumanaan reer Falastiin ah.
 
Duulaanka cusub ee Isra’iil ayaan la aqoon inta uu qaadan doono balse dagaalyahanada Falastiiniyiinta ayaa sheegay inay sugayaan ciidamada Isra’iil oo ay doonayaan inay dagaal fool ka fool ah la galaan askarta Yuhuuda.
 
Tirada dhimashada reer Falastiin ee labadii todobaad ee duqeynta socotay ayaa ka badan 300, halka dhaawaca uu ku dhaw yahay 2000. Waxayna Isra’iil ku burburisay duqeymahaasi in ku dhaw 2 kun oo guri.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa