Qashin-buxiyay Qaar Ka Mid Ah Waddooyinka Hargeysa iyo Hoggaanka Golaha Deegaanka Oo Daayacay Kalsooniddii La Siiyay

Hargeysa (Berbera news) Goobo ka mid ah Waddooyinka Caasimadda Hargeysa ayaa waxa buuxiyay qashin, kaas oo saamayn ku yeeshay Bilicadda Magaaladda.
 
Qashinkan ayaa tuulmay goobaha miyo-bareenadda ah ee ay maraan Biyaha Roobku, kaas oo lumiyay bilicdda Magaaladda Hargeysa,  iyada oo aanay Dawladda hoose Masuuliyad iska-saarin inay Magaaladda ka nadiifiso qashinkaasi buuxiyay goobahaasi.
 
Golaha Deegaaka Hargeysa ayaa masuuliyad weyni ay ka saran-tahay inay Magaaladda ka nadiifiyaan qashinka  iyo inay masuuliyadda iska-saaraan sidii ay wax uga qaban-lahaayeen Bilicdda Caasimadda Hargeysa, iyadda oo waddooyinka qaar markaad marto aad ku arkayso qashin buuxiyay oo xiligan lagu jiro bisha Ramaddaan aad arkayso baco iyo waxyaabo kale oo  yaala badhtamaha Suuqa Hargeysa.
 
 
Duqa iyo ku xigeenkiisa Hargeysa oo iyaggu ah Masuuliyiinta ugu saraysa  Golaha Deegaanka Hargeysa ayaa shaqadda ay Bulshadda u hayaan kaga mashquulay  ka qayb-galka Munaasibadda ay Xubnaha Wasiiradda ahi ka  qayb-galaan iyo goobo kale oo aanay shaqo ku lahayn inay wakhtigoodda shaqo ay ku lumiyeen, kuwaas oo aad arkayso iyagg oo  ku dadaalaya inay ka soo muuqadaan muuqaaladda laga soo tabiyo goobahaasi .
 
Golaha Deegaanka Hargeysa ayaa xilka hayay in ka badan sanad iyo dheeraad, waxaanay xiligii ay ku jireen Ololihii Doorashaddii Golaha Deegaanka ee Dalka ka dhacday 28-kii November sanadkii 2012-kii ay Bulshadda codka kaga heleen inay wax ka qabanayaan Qashinka ay Caasimaddu wehelka u noqotay.
 
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa