Musharaxa Madaxtinimadda Xisbiga UCID Oo Ka Hadlay Aragtidda Xisbiga  UCID Ee 3 Qof Oo Xukuumadd U Dhiibtay Jabuuti

Hargeysa (Berbera news) Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa ka hadlay aragtidda Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ee ku aadan Muwaadiniin la sheegay inay Xukuumaddu u gacan-gelisay  Jabuuti.
 
 
 
Jamaal Cali Xuseen oo ka hadlaya aragtida xisbiga Ucid ee la xidhiidha arintan ayaa waxa uu yidhi “Dastuurka qaranka Somaliland qodobkiisa 35aad waxa uu sheegayaa in muwaadiniinta dalka u dhalatay inaan meel kale la gayn doonin, anaguna Dastuurka  ayaanu ilaalinaynaa, haddii ay jiraan xidhiidho ama heshiisyo gaar ah oo  ay dawladuhu ku heshiiyeen in dadka laysu gudbiyo, in muwaadiniin Somaliland ah la gudbiyo anaga  xisbigayagu ma ogolin waana arin cad oo Dastuurkuna ogol-yahay, laakiin dadka la gudbiyey inay muwaadiniin yihiin iyo in kale sida ay xukuumadu ay sheegtay  inaanay jirin anagu warkooda ayaanu qaadanaynaa.” Ayuu yidhi musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen.
 
 
 
Musharaxa Madaxweynaha Xibsiga UCID waxa uu intaas ku daray,  “Laakiin xidhiidhada jira inagaba dad ayaa laynoo soo gudbiyaa danbiyo inaga galay oo ay inoo soo celiyaan wadamada jaarka, haddii ay jiraan xidhiidhadaas gaarka ahina waa ka gaar laakiin sida uu dastuurku sheegayo qofka muwaadinka ah ee dalka u dhashay waa in dalka lagu  xukumaa, taas ayuunbuu xisbigayagu aaminsan yahay.”  Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID  
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa