Nairobi: Xildhibaanno Sheegay In Ciiddamadda Kenya  Aan Laga Saarayn Somalia

Nairobi (Berbera news)  Labada mudane oo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka dalka Kenya ugu jira xisbiga talada haya ee JUBILEE ayaa ka dhawaajiyay in Kenya aysan marnaba ciidamadeeda kala soo baxayn dalka Soomaaliya.
 
Guddoomiyaha guddiyada ammaanka baarlmaanka Kenya, Asman Kamama iyo sidoo kale guddoomiyaha guddiga difaaca iyo xiriirka caalamiga ee baarlamaanka, Ndungu Ghethenji ayaa sheegay in ciidamadoodu aan xilligan laga soo saari doonin Soomaaliya, iyagoo ku tilmaamay hadalkii hoggaamiyaha CORD, Raila Odinga inuu yahay mid horumarinaya danaha Al-shabaab.
 
“Nasiib-darro kooxda CORD waxay ku hadlayaan luuqadda Al-shabaab. Waxaan ugu baaqaynaa madaxda mucaaradka inay joojiyaan dhaqamada muujinaya inay yihiin koox ka mid ah Al-shabaab,” ayuu yidhi Kamama.
 
Toddobaadkii lasoo dhaafay ayay ahayd markii hoggaamiyaha isbahaysiga mucaaradka ah ee CORD, Raila Odinga uu xukuumadda dalkaas weydiistay in ciidamada Kenya laga soo saaro Soomaaliya, lana caddeeyo tirada askarta Kenyanka ah ee ku dhimatay Soomaaliya.
 
Shir jaraa’id oo ay xildhibaannadan ka tirsan isbahaysiga talada Kenya haya ay ku qabteen xarunta baarlamaanka Kenya ayay ku weydiisteen in Odinga uu joojiyo hadallada maaweelada ah ee uu shacabka ku qaldayo.
 
“Ciidamada Kenya waxay ku shaqeeyaan magaca howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, intii ay Midowga Afrika dalbadaan in laga saaro Somalia, howshooda way sii wadanayaan,” ayuu isna yidhi Asman.
 
Ugu dambeyn, xildhibaannadan ayaa ugu baaqay madaxweynaha Kenya in uusan ogolaan in ciidamada Kenya laga soo saaro Soomaaliya, illaa ay ka dalbanayaan Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay in ciidamada Kenya laga saaro Soomaaliya.
 
Kenya ayaa waxaa Soomaaliya kaga sugan kumannaan askari oo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrik ee AMISOM, waxayna ka howlgalaan deegaanno ku yaalla Koonfurta Soomaaliya oo xuduud wadaag ka yihiin Somalia iyo Kenya.
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa