“Waxa Aad Inoola Dagaalamaya Maamulka Garoowe, Gaar Ahaan Markii  La Doortay Cabdiweli Gaas” Faysal Cali Waraabe

Hargeysa (Berbera  news) Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID  Faysal Cali Waraabe ayaa Madaxweynaha Maamul Gobolkeedka Puntland Dr.  Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ku eedeeyay inuu waddo qorshayaal oo fadeexaddo Siyaasadeed oo been-abuur ah uu kaga fidinayo Qaranimadda iyo Jiritaanka  Somaliland.

 Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar qaatay muddo bila ah oo uu ugu maqanaa Dalka Mexico oo uu kaga qayb-galay Shir Caalami ah ayaa waxa uu ka hadlay muranka Biyaha Hargeysa ee Xukuumaddu u Guddida u saartay, waxaanu sheegay in Biyaha hir-gelintoodda aan loo adeegsan Hab qabiil.
 
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa  “Waxaynu noqonay dad isku jeeda xilkii ummadda loo hayeyna in la ilaaway ayaad moodaa balantii la qaaday ee ahayd inaynu qaran noqono oo aynu ictiraaf helno waa laga seexday waxaana hadda loo baahan yahay in lays abaabulo, waxaana aad inoola dagaalamaya maamulka Garoowe gaar ahaana ninka la doortay ee Cabdiweli  Gaas, isaga oo shaqo ka dhigtay dacaayada Somaliland, markaa ninkaasi dagaal ayuu inagula jiraa waxaana loo baahan yahay in la baraarugo.”
 
 
Waxaanu intaas  ku daray “Marka aanu debada joogno waxa aad lagaga sheekaysanayaa arinta biyaha Hargeysa oo noqotay fadeexad kale, arintaasna waa in laga daayo qabyaalada waana arin farsamo umada Somaliland meel kasta oo ay joogto waxay u baahan tahay biyo masuuliyaduna waxay saaran tahay dawlada, mashruucaas waa laynagu caawiyey, haddii aan faraha laga qaadin oo aan loo dayn dadkii xilkaas lahaa waxay noqon doontaa sidii warshadii sibidhka ee lagu heshiin waayey meeshana ku baabaday, arintaasna waxaanu jecel nahay inaanu xisbi ahaan galno, waana in laga daayo telefishanadan qabyaalada lagaga hadlayo waxaanan soo jeedin lahaa in laga mamnuuco arimahaas  telefishanada oo baarlamaamku soo saaro sharci joojinaya in telefishanada qabiil lagaga hadlo, wasiirada abaabula ee salaadiinta yidhaahda hadla waxaanu leenahay ha joojiyaan arimahani waa ceeb, waana in loo jeedsadaa inay doorashadu dhacdo oo umada la mideeyo” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.



 
 


 
Berbera news/Hargeysa