Xubno Ka Tirsan Xisbiga UCID Oo Laga Hor-istaagay Madaarka Hargeysa Iyo Wasiirka Duulista Oo La Sheegay Inuu London Ka Soo Bixiyay Amar

Hareysa (Berbera news)  Xoghayayaasha Warfaafinta iyo Arrimaha  Bulshadda Xisbiga Mucaardka ah ee UCID Yuusuf Kayse Cabdilaahi iyo Cabdiraxmaan Axmed Cali, kuwaas oo laga hor-istaagay inay guddaha u galaan Madaarka Cigaal Interanitonal airport ee magaaladda Hargeysa si ay uga qayb-qaataan soo dhaweyn loo samaynayay Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga UCID Cabdirashiid Xasan Mataan oo galabta dalka dib ugu soo laabtay.
 
 Masuuliyiinta Madaarka ahaa Xubnaha ku war-geliyay in aanay geli-karin Madaara, iyagga oo ku sababeeyay inay qabaan amar xaga sare ah oo haystaan.
 
Dhinaca kale  ilo-xogogaal ah ayaa sheegay in Wasiirka Duulista iyo hawadda Maxamuud Xaashi Cabdi uu amrka Xubnaha lagaga hor-istaagay Madaarka uu ka soo bixiyay Dalka Ingiriiska.
 
Wasiirka Duulista iyo hawadda ayaa Maxamuud  Xaashi Cabdi ayaa xiligii Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay oo uu ka mid ahaa Xubno Golaha Wasiiradda oo Golaha Wakiiladdu ay ansixinayeen waxa uu sheegay in aanay ku talaabsan-doonin habadhaqano uu markaasi sheegay in Xisbigii UDUB aanay Madaaradda ka celi-jireen Mucaaridka, balse ay Xukuumadda KULMIYE aanay noqon-doonin mid Mucaaridka ka hor-istaagtadda Madaaradda Somaliland.
 
 
 
Berbera news/Hargeysa