Baarlamaanka Puntland Oo Ansixiyay Xeerka Xakamaynaya Madaxbanaanidda Saxaafadd Iyo Suxifiyiin Qaadacay

Garoowe (Berbera news)  Xildhibaannada baarlamaanka Puntland ayaa maanta ansixiyay xeerka saxaafadda Puntland oo ay dhawaanahan ka doodayeen, waxaana ansixintan kasoo horjeestay qaar ka mid ah suxufiyiinta ka hoalgala Puntland.
 
Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland, Saciid Xasan Shire ayaa codeynta kaddib ku dhawaaqay sida ay codeyntu u dhacday, isagoo sheegay in kulanka ay joogeen 37-xildhibaan ayna codka kalsoonida ah siiyeen xeerkan 32 xildhibaan, hal mudane uu diiday, afar kalena ay ka aamuseen.
 
Codyenta oo ahayd mid gacan-taag ah ayuu sheegay guddoomiyuhu inay aqlabiyad ahayd, isagoo xusay in xeerkan uu dhaqan-gal noqonayo marka uu madaxweynaha Puntland saxiixo.
 
Ansixinta xeerka saxaafadda Puntland ayaa waxaa kasoo horjeestay suxufiyiinta ka howl-gala Puntland, iyadoo ururka suxufiyiinta Puntland ee MAP ay ku tilmaameen ansixinta xeerkan mid aan laga fiirsan.
 
Qodobka ugu weyn ee weriyeyaashu ka biyo-diideen ayaa ah in kaararka aqoonsiga ay bixinayso wasaaradda warfaafinta Puntland, taasoo ay wariyaashu ku tilmaaeen inaan waxba laga sheegi karin Puntland; haddii kale kaararka aqoonsig loo diidayo ama lagala noqanayo wariyeyaasha.
 
Gudoomiye ku xigeenka MAP, Maxamed Daahir Yusuf (Saalim) ayaa madaxwaynaha Puntland ugu baaqay inuusan saxeexin xeerkan maadama uu yahay mid suxufiyiintu ay wax ka tabanayaan, loona baahan yahay in qodobbadaas wax laga bedelo.
 
“Xeerkan wuxuu ka hor imaanayaa dastuurka, baarlamaankana wuu ka hoos baxay, xeerkan ma ahan mid dadka iyo saxafadda Puntland dan, ma ahayn mid aan danteena ka eegaynay, balse waxaad moodaa nasiib-darro inay baarlamaanka kasoo hoos-baxday ayna u duugtay wasaradda warfaafinta,” ayuu yidhi Saalim.
 
Sidoo kale, Saalim ayaa sheegay in xeerkan uu yahay mid uu soo gudbiyay wasiirka hadda ee wasaaradda warfaafinta Puntland, oo doonaya sida uu sheegay in suxufiyiinta Puntland lagu dhaqo xeer la mid ah xeerka suxufiyiinta Itoobiya oo ah mid leh qaab milateri.
 
Wariyeyaasha Puntland ayaa sheegay in qodobbo ka mdi ah xeerkan oo hore uu ansixiyay baarlamaankii hore ee Puntland soona maray marxalado kala duwan ay gacmo-gamayn ku samaysay wasaaradda warfaafinta, ayna kasoo horjeedaan sharci aan laga saxaafadda lagala tashan in la meel-mariyo.
 
Ansixinta xeerkan ayaa kusoo beegmaya imaanayaa iyadoo mas’uuliyiin cusub ay la wareegeen maamulka Puntland, taasoo aan weli ka jawaabin codka suxufiyiinta ee ku aaddan ansixinta baarlamaanka Puntland.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa