Guddoomiyayaasha Xisbiyadda WADDANI Iyo KULMIYE Oo Safar Aan Ujeeddadiisa La Shaacin Maanta Ugu Baxay Jabuuti

Hargeysa (Berbera news) Guddoomiye-yaasha Xisbiyada Waddani iyo Kulmiye, ayaa safar aan ujeeddadiisa la shaacin ugu Haatan ugu Ambabaxay Dalka Djibouti oo muddooyinkan dambe loo Daabulayey Muwaadiniin reer Somaliland ah oo aan Waxba galabsan.
 
Sida ay xaqiijiyeen hawl-wadeennada Garoonka Cigaal International Airport, waxa Garoonka haatan diyaar ku ah Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, ahna Guddoomiyaha Golaha wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (cirro), waxana ay ku sii jeedaan Dalka Djibouti ee deriska la ah Somaliland.
 
Safarka Masuuliyiintan ayaa ah mid saxaafadda laga qariyey, waxana kaliya lagu war helay Bixitaankooda oo kaliya, iyadoo aan wali si fiican loo fahmin sababta labadan masuul ee Xisbiyada kala aragtida duwan kala hogaamiya is raacisay.
 
Wararka aanu Hayno ayaa intaas ku daraya in uu Afhayeenka Waddani Ibraahim Mahdi Buubaa uu ka mid yahay Dadka safarka ku wehelinaya Madaxdan.
 
Guddoomiye Muuse Biixi oo isagu ka xidhiidh furtay Siyaasadii Xukuumaddiisa, ayaa mudooyinkii dambe dibad-wareeg la ahaa cadho ka dhalatay Hanka Madaxweynaha ee Mar labaad soo laba kacleeyey, waxana uu isku arkay nin laga karantiimeeyey taladii iyo wax wadaagii kala dhexeeyey Xarunta Madaxtooyada, iyadoo taasina sabab u noqotay inuu Maanta Rafiiq ka dhigto Guddoomiye Cirro oo Madaxtooyada dhexdeeda looga Haysto Awoodda Cidhiidhiga Gelin karta Soo Noqoshada Madaxweyne Siilaanyo ee Hoggaanka Dalka.
 
Dhinaca dalka Djibouti ayaanay fiicnayn xidhiidhka kala dhexeeya Somaliland tan iyo intii qaraxyadu ka dhaceen, balse Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu xidhiidh dhaw la leeyahay Aqalka Madaxtooyada Djibouti oo saamayn muuqata ku leh Siyaasadda Siyaasadda Gudaha Somaliland.
 
Shacabka reer Somaliland ayaa iyagu maanka ku haya Muwaadiniin aan danbiyo lagu caddayn wali oo Haddana loo gacan-geliyey Sirdoonka Djibouti, waxana walaacaasi gaadhay Heer dadku su’aal geliyaan Sheegashada Somaliland ee Dawladnimada.
 
Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Cirro ayaa aan hore loogu aqoon inay ujeeddooyinka safarrada ka midoobaan, waxana mararka qaarkood dhici jirtey inay Warbaahinta isku duraan, balse Maanta Socdaalkoodani waxa uu su’aal gelinayaa Kalsoonida dhex taalla Madaxtooyada iyo Muuse Biixi.
 gudoomiyayaal
 
Berbera news/Hargeysa