Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Ee Somalia Oo Ku Dhawaaqay Dagaal Ka Dhan  Ah Al-Shabaab

Hargeysa (Berbera news) Maamul goboleedka Koonfur-galbeed ee ka kooban lixda gobol ayaa wuxuu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Xarakada Al-shabaab, iyadoo shirkii looga dhawaaqay arrintan oo ka dhacay Baydhabo ay goob-joog ka ahaayeen saraakiisha AMISOM ee ku sugan gobolka.
 
Qodabbadii loogu hadlay shirkaas waxaa ka mid ah in laga qayb-qaato dagaallada hadda ka socda deegaannada Toos-weyne, Keerow-Malaaq iyo Saydheeloow oo ka tirsan gobolka Bay, dagaalladaas ayaa wuxu u dhaxeeyaa dadka deegaankaas ku nool iyo xoogagga Al-shabaab.
 
Saraakiisha AMISOM ayaa waxay soo jeediyeen in dagaalka laga dhigo mid seddex geesood sida maamulka gobalka, maamulka Koonfur-galbeed iyo ciidanka AMISOM ee ku sugan gobolka Bay.
 
Kulankaas ayaa waxaa ka hadlay Cabdi Aadan Hoosoow iyo guddoomiyaha golaha guurtada ee Koonfur-galbeed, Ugaas Xasan Shure Maxamuud, labadaas mas’uul ayaa ku baaqay sidii loo dar-dar-gelin lahaa dagaallada hadda socda; iyagoo xusay dilalka xilliyada habeenkii ah loo geysanayo shacabka aan waxba galabsan, iyadoo toddobaadkan gudihiisa lagu dilay Baydhabo labo dumar ah.
 
Dhanka kale, shalay oo Axad ahayd ayaa warbaahinta Baydhabo waxaa ka hadlay, Col. Mahad C/raxmaan oo ah taliyaha qaybta booliiska ee gobalka Bay, Wuxuuna sheegay in haddii ay Al-shabaab joojin waydo dilka dadka shacabka ah ay dhacayso in la laayo dadka ehellada la ah Al-shabaab ee deegaanka ku sugan.
 
 
 
Berbera news/Hargeysa