Wasiirka Biyaha Oo Ka Hadlay Muranka Ka Taagan Biyo-gelinta Hargeysa

Hargeysa (Berbera news)  Wasiirka wasaaradda Biyaha Somaliland Xuseen Axmed Cabdulle ayaa sheegay in Mashruuca Biya galinta Hargeysa ee Xumbo weyne u soconayo sidii loogu tala galay, waxaanu  meesha ka saaray muran ku aadanaa in Biyaha Mashruucaasi oo loogu tala galay saddexda Xaafadood ee Gacan Libaax, Maxamuud Haybe iyo Axmed dhagax loo leexin doono xaafaddo hore biyo u heli jiray.
 
 
“Arinta Biyaha ayaa maalmahan laga hadlayay, hadii aan ku horeeyo Mashruuca Xumba-weyne meel fiican ayuu marayaa, markii horena wuu marayay, Laakiin Arintaasi oo hadal haynteedu maalmahan ku badnayd Wasaaradda iyo warbaahinta, hadalkeeduna jiray, waxaan halkan ka caddaynayaa in Hawshii meel fiican marayso. Madaxweynaha Somaliland dhawaan Guddi ayuu u magacaabay Arinta Biyaha” ayuu yidhi Wasiir Xuseen.
 
Wasiirka oo ka hadlaya Hawlaha guddida loo magacaabay Biyaha Xaafaddaha Hargeysa ee aan Biyaha helin waxa ay qabanayaan ayaa yidhi “ Guddidaas oo haddana la sii kordhiyay waxaa loo xilsaaray, bal haddii wax farsamo xuma ahi jirto,ama arini jirto inay ka hawl galaan, waayo? Biyihii waxaa lagaga cabanayaa si yar oo aan haboonayn oo dadka khalad looga dhaadhiciyay”
 
Wasiirka Biyaha oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in Biyahaasi Jahadii markii hore loo qorsheeyay ay mari doonaan “ Waxaan leeyahay Biyahaasi halkii ay ku socdeen ayay tagayaan, halkii loogu tala galay ayay tagayaan, guddidan Madaxweynuhu magacaabay oo fadhigii labaad yeeshayna waxay wadaan in wixii cillada ah ee jira laga saaro. Waxaan ku rajo weynahay in Biyahaasi dhawaan halkii loogu tala galay iyo qaabkii loo asteeyay ay maraan.” Ayuu yidhi Wasiir Xuseen Cabdulle.
 
Wasiirka Biyaha Somaliland ayaa Bulshada Somaliland uga digay in Biyaha la dhex galiyo Qabyaalad iyo arimo siyaasadeed “ Waxa kale oo aan doonayaa inaan halkan ka cadeeyo oo Umadda Reer Somaliland u sheego, Biyahu waa Noloshii, Noloshuna Ciyaar ma gasho, waxaan Umadda leeyahay Biyaha halaga ilaaliyo Qabyaaladda, Siyaasadda labaduba waa u Cudur waana u halis biyaha in la soo dhex galiyo”ayuu yidhi Wasiirka Biyahah ee Somaliland.
 
Madaxweyne Siilaanyo ayaa guddi Wasiiro ah oo xal ka gaadha murankan ka taagan biyo-gelinta Hargeysa  u saaray, kuwaas oo kulamo la yeeshay  Cuqaasha deegaanadda la soo marinayo Biyahan, iyagg oo qaarkoodd-na ay sheegeen inaan Xukuumadda loo dhaafin arrimahaasi Biyo-gelinta Hargeysa.
 
 
 
Halkan ka Daawo.

 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa