Dawladda Hoose ee Hargeysa oo wado laami ah ka bilowday Xaafadda Gol-janno

Hargeysa (Jam)-Maayirka Hargeysa oo hoggaaminayey xildhibaannada golaha deegaanka ee caasimadda, aya subaxnimadii hore ee shalay hawlgal ballaadhan ka bilaabay xaafadda Gol-janno ee degmada 26-ka June ee Hargeysa, kaasoo lagu samaynayo waddadii ugu horeysay ee ay yeeshaan oo laami ah.

jidka Goljanno

Waddadan ay Dawladda Hoose ka bilawday xaafadda Goljanno ee degmadda 26 june, ayaa ku xidhmi doonnta xaafadda Daami ee degmadda Gacan-libaax, taas oo halbawle u noqon doonta isku socodka caasimadda, isla markaana lagaga bixi doono cidhiidhiga waddooyinka iyo jid la’aantii ka jirtay xaafadda Goljanno.

Maayirka Caasimadda Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko), ayaa sheegay inuu hawlgalkani ahaa kii ugu ballaadhnaa ee xaafadda Goljanno laga fuliyo, isla markaana ay noqonayso waddadii ugu horeysay ee laami ah ee laga hirgaliyo xaafaddan oo wax badan dhibaato ku qabay waddo la’aan.

 

jidka Goljanno3

“Hore waxa loo odhan jiray Gol-jano waddo looma samayn karo ee waxaannu doonaynaa in Gol-jano waddadii koowaad u samayno, waddadaasi ay ka soo bilaabanto Akadamiga agteedda, soona dhexmarto xisbiga dhexdiisa, ilaa Cabaaye mari doonta, kuna xidhmi doonta Xaafadda Daami, Waddada Goljano waxa ku yaalay dayrar sharci-darro ah iyo sandaqaddo, kuwaas oo markii loo digay laga dumiyey,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Solteeko.

jidka Goljanno4

Waxa kaloo uu sheegay in waddadani tahay laba killomitir iyo siyaado taas oo lagu dhisayo mashruuca dawladaha hoose ee JPLG-ga looyaqaan, kaasoo ay ku bixin doonto lacag ka badan ilaa laba boqol oo doollar, waxaannu yidhi; “Run ahaantii waxaan leeyahay toddoba cisho ee Ramadaan ka hadhay ayaa ka hadhay dayrarka sharci-darada ah iyo Sandaqaddaha waddooyinka lagu dhisay, xaafadda aannu doono ayaannu ka bilaabaynaa ee yaan hadhow la odhan layma sheegin, waana joogteyn doonnaa.”

Golaha Degaanka ee Hargeysa ayaa ku guulaystay inay waddadii ugu horreysay ka hirgaliyaan xaafadda Gol-janno ee degmada 26-ka June ee magaalada Hargeysa, isla markaana aanay ka dhicin wax dhibaato ah iyo khasaare nafeed, maadaama oo wakhtiyaddii hore hawlgaladda sidan oo kale ah dhibaatooyinka dhici jiray.

jidka Goljanno2

Sidoo kale, dadweynaha xaafadan ayaa soo dhoweeyey waddada loo samaynayo, uguna mahad naqay  dawladda hoose, iyadoo guddida xaafadda ee horumarinta xaafadda Goljano la shaqaynayey hawlgalka ay Dawladda Hoose waddo, maadaama oo in badan xaafadani ka xidh xidhnayd xaafadaha kale, isla markaana ay adkayd sidii mayd looga dhex saari lahaa waddado la’aanta awgeed.